Xukuumadda Somaliland Oo Mastaafurinaysa Ajaanibkii Ugu Badnaa

0
481

By:Cabdi M.Safwaan

Hargaysa (Dawan) –Ciidanka Laanta socdaalka Somaliland ayaa sheegtay inay hawl-gal ay wada jir u fuliyeen wasaaradda caafimaadka ay ku soo qab-qabteen 84 qof oo ajaanib ah oo sharci darro dalka ku joogay, kuwaasi oo qabay xanuunadda faafa ee la kala qaado.

 

Sidaasna waxa sheegay Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Yuusuf, waxaanu tilmaamay inay dadkan ay qabqabteen dib ugu mastaafurinayaan dalalkoodii.  “Arrintani waa arrin la xidhiidha xaga caafimaadka, sidaa darteed,  waxaanu olole ku qaadnay dadka xanuunka fidiya qaba oo tiro koob baryahan-ba aanu ku haynay oo goobo gaar ah  naloogu  sheegay sida masaajidada afkooda, xaafada xisbiga iyo biriishka korkiisa kuwaasi oo si caafimaad darro ah ugu noolaa oo aanu la kaashanay wasaarada caafimaadka oo nala socotay ayuun baanu u fulinaynay gacmaha ciidanimo laakiin waa xogogaal aanu ka helnay wasaarada caafimaadka oo aanu iska kaashanay oo sababaha nagu khasbay ay ahayd inaan dadka cudurada la kala qaado qaba  inaanu dibada uga saarno bulshadda reer Somaliland,”ayuu yidhi Taliyaha Laanta socdaalku.

 

Leave a Reply