Tallaalka Duumada oo ka Gudbay Caqabad

0
378

Tallaalkii ugu horeeyay ee cudurka duumada ayaa ka gudbay caqabadi ugu weyneyd ee dhinaca sharciga ka hor inta aanan loo ansixin in laga isticmaalo dalalka qaarada Afrika.
Hay’adda caafimaadka ee Yurub ayaa taageertay tallaalkan kaddib markii ay baadhitaan ku samaysay badqabka iyo waxtarka tallaalkaan. Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa dhammaadka sanadkan u aqoonsan doonto tallaalkaan in uu yahay mid ay qaadan karaan caruurta la ildaran duumada.
Cudurka duumada ayaa waxaa u dhinta sanadkii dad lagu qiyaasay 584,000 oo qof dunidda oo dhan, kuwaasi oo intooda badan ah caruur ka yar shan sano oo ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika.
Dr Ripley Ballou, oo ah madaxa hay’adda cilmibaadhista ee soo saartay tallaalkaan, ayaa sheegay in helitaanka tallaalka ay haatan tahay muhiim. Waxa uuna sheegay in uu ka shaqeynayay soo saaridda tallaalkaan muddo 30 sano ah, ayna tahay guul la gaadhay soo saaridiiisa.
Inkastoo hay’addan aysan shaacininin qiimaha tallaalkaan, balse waxa ay sheegtay in aysan faa’iiddo ka raadineynin.
Waxa ayna shirkadda soo saartay tallaalka sheegtay in ay baadhitaanka bilowday sanadkii 1998dii.
Waxaana la filayaa, haddii la ogaado in tallaalkaan uu waxtar leeyahay, in ay ka faa’ideystaan caruurta Afrika ee la daala-dhacaya cudurka.
 

Leave a Reply