Obama oo ka Dayriyay Qabyaaladda iyo Musuqa Kenya

0
333

Madaxweyne Barack Obama ayaa dadka reer Kenya u sheegay inay horumar weyn gaadhi karaan.
Balse waxaa uu sidoo lale xusuusiyay halista ay leeyihiin musumaasuqa iyo qabyaaladda.
Obama waxaa kumaankun  ruux kula hadlay garoonka Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha.
Garoonka Kasarani ayaa billawgii sanadkii hore loo adeegsaday in lagu xidho dad badan oo Soomaali ah xilli uu socday howlgal amni oo ka dhacay xaafadda Islii.
Obama waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka oo dhan uu hal meel iska taago musuqmaasuqa.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in siyaasad ku dhisan qabyaalad ay dalka kala qeybin doonto.
Obama ayaa haatan soo gabagabeeyay  booqashadiisa Kenya, waxaanu  xalay  u duulay  dalka Itoobiya.
 

Leave a Reply