Sidee Ayay Isugu Xidhan Yihiin Maskaxda Iyo Jidhku?

0
370

Weli aqoonta cilmigu kama daalin inay ogaato sida ay u wada sheqeeyaan jidhka iyo maskaxdu. Mararka qaarkood waxa jira inuu qofku aamino inuu caafimaad qabo taasi ayaa keenta inuu kaba bogsado xanuunkii hayay. Taasi oo ah arrin ku xidhan aaminaadda.
Wakhtigii lagu jiray dagaalkii labaad ee dawladaha Yurub dhex marayay ayuu Hitler saddex askari oo amarkiisa diiday amary in loo ciqaabo si yaab leh, iyadoo askri kasta lagu xidhay qol gaar ah , waxaana mid kasta lagu xidhay silsiladd. Iyagoo maqlaya ayuu yidhi halagu buufiyo sun gaas ah oo qolalkii lagu xidhay si ay ugu dhintaan muddo 6 saacadood gudahooda ah.
May jirin haba yaraatee wax sun ah oo lagu buufiyay. Arinku wuxu ahaa oo keliya cabsi gelin Haddana markii la furay 6 saacadood ka dib waxa la helay laba askartii ka mid ah oo dhintay iyo kii sadexaad oo khatar ugu jira inay naftu ka baxdo. Askartii jeelka iyo Hitler laftiisa ayaa arrinkan ka yaabay waxase iska cad in aaminaada maskaxda iyo jidhka xidhiidh ka dhexeeyo. Sidaas si la mid ah ayay saxaafaddu maskaxaha bulshooyinka ugu sii daysaa afkaar sun ah oo raja xumida iyo niyad jab abuura.

Leave a Reply