Turkiga oo Qayb ka ah Dagaalka IS

0
402

Toddobaad gudahiis, ayaa Turki noqotay inay ka qayb qaadato la dagaalanka IS iyadoo markii horee dhinac ka joogsatay. Waxay u furtay saldhigeeda isbahaysiga caalamiga ee la dagaalamaya IS, iyadoo isla markaasna ku qaadaysa weerar cirka ee kooxda PKK ee Kurdiyiinta ee doonaya inay goostaan ee Waqooyiga Ciraaq.
Bilooyin Ankara ayaa diidanayd in milatari ahaan ka qayb qaadato isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaalanka IS. Waxay ku adkaysatay in weerarka lagu daro Madaxweyne Assad ciidamadiisa. Maraykanka ayaa jawaabtiisa ahayd, in cadawga ugu horeeya uu yahay IS, iyo dhibaatada Assad in dib loo dhigo.
Laakiin sharuudii labaad ee Turkey, in la sameeyo meel dayuuradaha aysan dulmari karin waqooyiga Ciraaq, ayaa suurto gal ah.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in meel ammaan ah xudduuda Turkiga, oo IS aysan iman karin in la samaynayo, waxaana ilaalinaya diyaaradaha isbahaysiga. Taas ayaa qayb wayn ka ah in Turkiga ay dagaalka ku biirto.
Dowladda Turkiga ayaa waqti badan lagu eedeyay inay taageerto jihaadiyiinta ka soo horjeeda dowladda Assad, iyo inay iska indho tirtay xoogaysashada IS. Mar walba way beeniyeen eedaymahan.
Laakiin toddobaadkii hore ayaa waxaa ka dhacay isqarxin Suruc, koonfurta Turkey, halkaasoo oo ay ku dhinteen 32 qof, Turkigana wuxuu ku eedeeyay mintidiin ay tababartay IS. Kadib ciidamada IS ayaa dilay ilaalada Turkiga ee xuduuda. Taas ayaa sida ay u egtahay ugu danbaysay sababta Turkiga uu uga qayb qaadanayo dagaalka IS.
Istaraatajiyada Ankara ayaa badan. Dagaalka IS, waxaa garab socda weerarka Turkiga uu ku qaadayo dhowr meelood oo ay joogaan PKK iyo boqolaal ka tirsan ururka PKK oo la xidhay.
Dadka dhaleeceynaya ayaa sheegaya in Turkiga uu IS u weeraray oo kaliya si uu ugu qariyo weerarka cadowgiisa Kurdiyiinta. Waxay intaa ku darayaan in Turkey ay awal u diidanayd dagaalka inaysan doonayn in caawiso Kurdiyiin la dagaalamaya IS, hadda Turkiga labadaba wuu weerari karaa, sidaas ayuu uga qaybgalay dagaalka.
 
 

Leave a Reply