Xulafada Yaman iyo Xabbad joojinta

0
382

Waxaa markale la isku dayi doonaa in la joojiyo dagaalka Yemen, si shacabka loogu ogolaado gargaarka bani’aadannimo ee ay aadka ugu baahan yihiin.
Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa shaacisay xabbad joojin laga bilaabbo saqda dhexe ee Axada, maadaama bay dheheen uu sidaa ka codsaday madaxweynaha Yemen ee musaafuriska ku maqan, Cabdurabbah Mansuur Haaddi.
Balse laba xabbad joojin oo dhawaan la shaaciyay ayaa burburay, waxaana weriyayaashu ay sheegayaan in dad yar ay rajo ka qabaan in uu joogsan doono dagaalka u dhexeeya xulafada iyo xooggaga Xuutiyiinta.
Qaramada Midoobay iyo hay’adda laanqeyrta cas ayaa ka deyriyay xaalka shacabka Yemen, oo intooda badan aanan helin cunno, biyo iyo daawo ku filan.
 

Leave a Reply