Iska Hor-Imaad Laba Beelood Ku dhexmaray Degaanka Dharkayn Geenyo

0
472

By: Faysal Axmed Kaarshe
Laascaanood (Dawan): Saddex  qof ayaa la sheegay in ay ku  geeriyoodeen  halka lix kalena ay ku dhaawameen dagaal shalay gelinkii danbe laba beelood ku dhex-maray meesha la yidhaahdo Dharkayn Geenyo oo ka tirsan goblka Sool, isla markaana qiyaastii 80KM oo dhinaca Koonfureed ah kaga beegan magaaladda Laascaanood.
Sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Sool  Yaasiin  Maxamed  Xayd, oo xalay aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo joogay Laascaanood.  Waxaanu  yidhi “Wuu jiraa isku dhacaasi  labadda beelood oo ah mid horena u dhacay,  oo soo noqnoqday hase ahaatee muddooyinkan danbe ahaa mid xur-guftiisu dawaysnayd.  Waxaanu  sababay dagaalkani  shalay (shalay)  dhimashadu  waa  saddex  qof halka dhaawacuna yahay intaan ognahay lix  qof”.
Yaasiin  Maxamed  Xayd,  waxa  uu sheegay in degaanka ay ku dagaalameen beelahaasi oo ku yaalla xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland aanay ka maamul ahaan  ka samaynin wax gurmad ciidan ah, maadaama oo ay dhinaca Itoobiya u dhawdahay, hase yeeshee ay u direen madax-dhaqameed si ay u kala dhex-galaan beelaha dagaalamay.
“Inkastoo  ciidanka  qaranka Somaliland  ag degan yahay,  hadana waxay ku taalaa  magaaladda  Dharkayn  Geenyo,  meel uu maro xadka inoo dhexeeya inaga iyo Itoobiya,  sidaa darteed uma aanaan dirin ciidan.  Maadaaba  dhinaca Itoobiya  aanu ku ogayn inay ciidan amni u soo direen, sidaas awgeed waxaanu diray cuqaal, waxgarad, culimaa’udiin isugu jira labada dhinac oo  dhex-dhexaad ah.
 
Xaaladuna  halkii ay maraysay ayay ku qabteen,  oo waxa kale kuma siyaadin,  dhaawaciina halkan ayaanu ku haynaa xaaladooduna dayro ma leh, waxaana noo qorshaysan in aanu maalinta berri ah (manta)  ka hawl galno,  anagoo ay noo diyaarsan tahay sidii aanu isu soo hor fadhiisin lahayn labada dhinac ee dhibku dhex-maray” ayuu badhasaabka Sool.
 
Dhinaca kale,   waxaa isla shalay magaaladda Buuhoodle ka kicitimay   ergo madax-dhaqameed ah oo  ku sii jeeday meesha ay wax ka dhaceen ergdaasi oo ay hogaaminayaan garaadka guud ee  Buuhoodle garaad  Cabdirisaaq garaad  Soofe,iyo suldaan  Siciid  Cismaan, iyagoo isku xilqaamay qaboojinta shaqaaqada dhexmartay labada beelood ee walaalaha ah,iyadoo sida xogaha laga helayo deegaankaa ay jiraan deegaamo kale oo ay ka soo ambabaxeen waxgarad iyo odayaal ay fadhiga ka soo kicisay shaqaaqadaasi.  deegaamadaa oo ay ka mid yihiin degmada  Widh-widh, iyo degmada

Leave a Reply