Ganacsato Chine ah Oo U Yimid Sidii ay u Maalgashan lahaayeen Somaliland

0
495

By. Khaalid Xabsi
 
Hargeysa (Dawan) –  Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa shalay dalka ku soo dhaweeyay wefti ka socday Wasaaradda  ganacsiga dalka China oo u socda sidii ay u maalgashan lahaayeen Somaliland.
“Waxaanu soo dhaweynaynaa weftigan ganacsatada iyo dawlada China iskugu jira oo uu ka mid yahay  Agaasime Wasaaradda ganacsiga ee dalka China iyo Nin maal-qabeen ah, hore ayay ahayd markii aanu ku soo dhaweynay Wasaaradda warashadaha, waxaanan isla eegnay sidii ay Somaliland u maal-gashan lahaayeen oo mashaariic waaweyn uga abuuri lahaayeen.  laba mashruuc ayaanu isla soo qaadnay wakhtigaa hore ee qiimaynta ay samaynayeen oo waxay u soo noqdeen sidii ay u hirgelin lahaayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse oo shalay weftigan ku soo dhaweeyay madaarka Hargeysa.
 
Wasiirka Warshaduhu waxa uu weftigan uga mahad-celiyay siday uga dhabeeyeen inay isku dayaan maal-gashiga fursadihii ay hore wasaaradda iskula garteen, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa weftigan , waxaanu  ka wada hadalnay inay Somaliland maal-geliyaan oo adduunka inta ugu badan maalgelinta waxa sameeya China, lacagta ugu badana iyagaa maalgelin ku samayn kara markaa madaama oo ay Somaliland tahay dal soo koraya oo haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maalgelin kale tahayba aynu u baan nahay in dalkeenna la maal-geliyo, haddii ay Warshaddaha tahay iyo haddii ay dhinacyada kaleba tahay inay wixii ay ku maalgashanayaan u fududayno oo soo dhaweyno oo gobollada dalka soo maraan.”
 
 
Wasiirka wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse waxa uu intaas ku daray “Meesha ay ka samayn karaan Wershadaha iyo waxay doonayaan aanu u fududayno oo aanu ku qaabilno ayaanu doonaynaa. Waa markii labaad, markii koowaad Isfahan bay ahayd iyo sidii wixii looga wada hadli lahaa, maantana waxay u socdaan inay hirigeli lahaayeen wixii aanu ka wada hadalnay.”
Dhinaca kale Le Brown oo hoggaaminayay weftigan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar labaad yimaado Somaliland, isaga oo xusay in shacbiga Somaliland ay yihiin kuwo soo dhaweyn wanaagsan.

Leave a Reply