Jaamacadda Cammuud Oo Farac Cusub Ka Furanaysa Magaaladda Hargaysa

0
380

“Jaamacaddu Waxay Dhawaan Bilaabaysaa Ardaydii u Horeysay Ee Diyaarinaysa Shahaadada PHD” Prof Saleebaan
 
 
 
by: Khaalid Xabsi
 
 
Hargaysa (Dawan): Maamulka jaamacadda Cammuud ee magaaladda Boorama ayaa sheegay in ay farac cusub ka furanayaan magaaladda Hargaysa, isla markaana ay mustaqbalka dhow qaadanayaan ardaydii u horaysay ee  diyaarinaysa shahaadadda PHD-ga
Sidaasina waxa shaaca ka qaaday guddoomiyaha jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed, kadib kulan ay shalay  hormoodka jaamacadda Cammuud la yeesheen  masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta, kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradaasi.
“Waxa jirta Arday badan baanu soo saarnay oo Cammuud ka mid ah,  oo Hargeysa ka shaqeeya.  Cammuud-na hadda waxaanu ka bilawnay oo aanu sannadkan qaadanaya shahaadooyinkii, marxaladii labaad ee Cammuudeed  waxaa  la bilaabay 1997 ilaa 1998, Digriiga koowaad.  Sannadkan  Digiriigii labaad ayaanu  la qaadanayaa oo sannadkan ka qalin jabinaya Jaamacadda Cammuud.
PHD-na   waanu bilaabaynaa oo iyadda oo taa la xayaysiiyay ayaa reer Hargeysa badanbaa noo soo diray codsiyo oo yidhi masaafadu wey nagu yara fogtahay, inkasta oo Hargeysa Digriiyo badan la bixiyo haddana qayb Cammuud ka mid ah oo Master Digriiga aanu rabnay  ha nalooga furo, tii baanu u nimid oo saakaanu (shalay) go’aan ku gaadhnay.” Ayuu yidhi Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.
 
 
Prof. Saleebaan  waxa kale oo uu  sheegay inay iskaashi joogto ah yeelan doonaan Wasaaradda warfaafinta, isagoo masuuliyiinta wasaaradaasina uga mahad naqay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen.  Waxaanu yidhi    “Waxa noo sharaf ah in aanu idin soo booqano, Ragii aan shaqada ku bilaabayna Yoonis Cali Nuur baa halkan ka fadhiya oo isaga iyo Rag kale ay ku abtirsadaan Cammuud, markaa qayb yar oo Jaamacadda  Cammuud leedahay ayay Wasaaradda warfaafintu ka mid tahay oo aanu maanta (shalay) soo gaadhnay, Barnaamijiyo fiican baa naloo qaabilay, Shirkadaha gaarka loo leeyahayna waanu soo gaadhnay oo shir gaar baanu ku lahayn”.
 
Hormoodka gudidda sare  ee jaamacadda Cammuud  waxaa  halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Wasaaradda warfaafinta oo ay ka mid ahaayeen, Wasiir ku xigeenka  Marwo Shurki Xariis Ismaaciil, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Ilkacase iyo masuuliyiin kale.
Shugri Xariir Ismaaciil,  ayaa sheegtay inay Wasaarad ahaan soo dhaweynayaan guddidan Jaamacada Cammuud ee booqashada ugu yimid  “Aad baanu idiin soo dhaweynaynaa haddaanu nahay Wasaaradda warfaafinta, haddii aad tihiin hoggaankii iyo dadkii naftood hurayaasha ahaa ee Jaamacadda Cammuud oo Somaliland meel weyn kaga taala oo maskaxda dadkeena iyo Ubadkeena ku reebi doonta taariikh wanaagsan,
 
 
Intiina  hoggaaminaysa oo Prof. Saleebaan ugu horeeyo oo haddaad Wasaaradda warfaafinta soo booqateen oo timaadeen waanu idin soo dhaweynaynaa. Waxaanu idin leenahay waad mahadsan tihiin dalkana wax weyn baad u qabateen meel wanaagsana waad kaga jirtaan, horena inaad u sii socotaana waxay na gelinaysaa farxad aad iyo aad u weyn, dib haddii loogu noqdo halkii aad ka soo bilawdeen, Facultyadii ugu horeeyay ee aad ku bilawdeen iyo halka aad maanta higsanaysaan, waxaad garanaysaan higisiyo isbedelka ay Jaamacaddu samaysay.” Ayay tidhi Wasiir ku xigeenka  warfaafinta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi  “Markaanu Hargeysa ka tagno ee aanu tagno Boorama ee aanu seexano Harawo Hotel, Niman Addis-Ababa tegay ayaanu ahaynoo, markaa laba ilaa saddex maalmood ee aad halkaa (Booram) Siminaarka ku soo gasho wax qayrul caadi ah ayay ahayd, Waddooyinka Booramaa bilawaday, Nabaddana Booramaa bilawaday, Jaamacaddahana Booramaa bilawaday, markaa la isma lahayn Waddaa la samayn karaa mid laami ah oo magaalada guddaheeda mooyaane, waxaas oo dhami waa ku dayashada wanaagsan oo ILAAHAYNA halkaa xasanaad ha idinka siiyo.  Kuna soo dhawadaa Wasaaradda warfaafinta.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Maxamed Ilkacase
Sidoo kale Suxufiga Yoonis Cali Nuur oo ka mid ah khuburada Wasaarada warfaafinta ka waramay aqoonyahano badan oo uu ka mid ah ay ka qalinjabiyeen Jaamacada Cammuud, waxaanu yidhi  “Anniga dareen gooniyay ayay runtii ii leedahay, waxaan garanayaa 1973 markii aanu shaqada qaranka ka baxnay ayaa waxa nalagu qoray Radio Muqdisho, 12 bay qoranayeen oo sideed ka mid ahi waxay ahaayeen Ardayada Jaamacada Cammuud ka qalinjabisay berigaa,  aniga (Yoonis  Cali Nuur), Dalmar, Aadan Nuux, Cawke, dadka imika warbaahinta ku jira runtii iyo kuwo Professoro sare noqaday oo adduunka wax ka dhiga, sida Siciid Cali Musue waxay ahaayeen Ragii Jaamacadda Cammuud ka qalinjabiyay. Waxaan ku rajoweynahay  in dalkuna inoo dhisamaan, Jaamacaduhuna inoo dhismaan dadkeenan dibada ku tabaaloobayna ay dib inoogu soo noqadaan.”

Leave a Reply