Wasiir Xirsi Oo Soo Dhawayntii Madaxweynaha Ee Laascaanood Ku Sifeeyay Farriin Weyn

0
387

By: Axmed M.Saleebaan
 
Laascaanood (Dawan)- Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa shacabka ku dhaqan gobolka Sool ku bogaadiyay sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminayay.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa uu soo dhawaynta Safarkii Madaxweynaha ee magaalada Laascaanood uu ku sifeeyey farriin muujinaysa in gobolka Sool uu yahay amni, dadkiisuna ay yihiin kuwo u bisilaaday Horumarka iyo taageerada ay xukuumadooda u hayaan.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlayay oo uu ku baahiyay bartiisa Internetka ee guusha.com, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan “Soo dhawaynta diiran ee ay Shacabka ku dhaqan Laascaanood ku qaabileen Weftigii Madaxweynuhu waxay ahayd farriin cod dheer oo muujinaysa in gobolka Sool yahay amni dadkiisuna yihiin kuwo u bisil horusocodka taageersana Xukuumada Horumarka.
Madaxweynaha JSL ayaa dhagax dhigay baayihiii aasaasiga ahaa ee nolosha oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku ugu horreeyaan”
Waxaa Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Siilanyo oo aan ku wehelinayno xubno kamida golaha wasiirada iyo taliyeyaasha ciidanka qaranku safar shaqo ku gaadhnay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.
Ujeedada socdaalkan oo daarnaa u kuurgalida xaalada guud ee gobolada bariga iyo hirgalinta mashaariic taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha ayuu madaxweynuhu u dhagax dhigay baahiyahii uugu muhiimsanaa oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan
Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo kaashanaya xukuumada ay ku kalsoon yihiin ay dhinac uga wada jeesteen horumarinta gobolka iyo guud ahaanba dalka.
Waxaa hubaala in nabadu tahay albaabka horumarka iyo horusocodka maanta shacabka ku dhaqan Laascaanood waxay fariin cod dheer ugu direen caalamka in gobolka Sool yahay amni dadkiisuna yihiin kuwo u bisil horusocodka.
Intaas kadib wuxuu Madaxweynaha iyo waftigii uu hogaaminayey booqaasho dardar galin iyo dhiirigalin ah ku gaadhay aaga hore ee fadhiismada ciidanka aan la loodin Karin ee qaranka halkaas oo uu bushaarooyiin iyo hambalyo gaadhsiiyey sidoo kalena xusay in amniga lagu seexdo Alle ka sakow ku jiro raggaas dhaxanta u jiifa dhismaha qarankooda.”
 

Leave a Reply