Qiimaha Dawada Ugu Qaalisan Dunida Waa 15 Malyan Dollar

0
501

Dawada ugu qaalisan dunida ayaa qiimaheedu dhan yahay 15 malyan oo doller. Dawadan oo lagu magacaabo Soliris ayaa loo isticmaalaa xanuun dhif ah.
Dawadan waxa lagu isticmaala bukaanada qaba xanuunka Syndrome , kaasi oo ah xanuun si naadir ugu dhac dhiiga kana dhiga chronic isla markaana ku keena inay kelyuhu dhintaan wakhtiga uu xanuunkani ku dhaco qofka.
Maadaama sicirka dawadu uu qaali yahay dalka Ingriiska waxa ka bixiya kharashka dawada adeega caafimaad ee dawladda, taasi oo sanad kasta 200 qof oo bukaan ah ka bixisa kharashka dawada oo gaadha $ 130 Malyuun oo doller.
Waxa kale oo ay dawadani caan ku tahay inay wax u tarto dadka qaba xanuunka” paroxysmal nocturnal hemolobinuria” kaasi oo ah xanuunka uu qabo qofka habeenkii marka uu hurdo aan xejin Karin kaadida. Waxaana la sheegay in quraaradda yare ee dawadan ahi ay sanadkii noqto qiime dhan nus malyuun doller.

Leave a Reply