Xabaal Wadareed laga Helay Kolombia

0
469

Waxaa socda baadhitaan lagu soo saaray boqolaal meydad ah, kuwaasi oo lagu aasay xabaal wadareed ku taalla magaalo ka tirsan dalka Kolombia.
Howsha lagu faqayo goobta la tuhunsan yahay in ay tahay xabaasha, ayaa la filayaa in ay qaadato mudo shan bilood ah.
Waxaa la nadiifin doonaa qashin qub weyn oo ku yaalla xaafad isku raran ah oo ka tirsan magaalada Medellin, si loo helo meydadka dadkii ku dhintay howlgalkii ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidammada dalkaasi iyo jabhadii taabacsanayd, howlgalkaasi oo dhacay sanadkii 2002-dii.
Qiyaastii 90 meyd ayaa la rumeysan yahay in waqtigaasi lagu daadiyay godka qashin qubka ah. Balse urur u dooda dhibanayaasha howlgalkii ciidanka, ayaa sheegaya in tiradaasi ay gaadhi karto 300 oo boqol.
Ururada xuquuqul insaanka ayaa in ka badan toban sano ku baaqayay in qashinka laga daayo godkaasi, isla markaana baadhitaan lagu sameeyo.
Dagaalkii sokeeye ee muddada kontonka sano ah ka socday dalka Kolombia, ayaa waxaa lagu waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen dad ka badan 30 kun oo qof.
 

Leave a Reply