Huteelka Jeelka Jasiiradda Shaydaanka

0
377

Waxa kale oo dalka Shiinaha ka dhisan huteel yaab leh , kaasi oo aanu qofku ikhtiyaar u lahayn inuu dalbado cuntada uu doonayo, laakiin ay shaqaalaha Huteelku ayaa ku siinayaa wax yar oo kimis ah taasi oo aad khasab ku cunaysaa. Huteelka ayaa lagu magacaaba Huteelka Jeelka ah, isla marka aad gasho ayaa katiinad lagugu xidhayaa, shaqaalaha Huteelkuna waxay xidhan yihiin dhamaantood dirayska ciidanka ilaalada jeelka. Mudadaasi aad huteealka joogto waxaad metelaysa inaad tahay maxbuusa. Huteelkan ayaa ku yaalla goob loo yaqaano Jasiiradda Shaydaanka. Shaqaalaha Huteelka ayaa sheegay in huteelku uu helay macmiil badan oo u yimaadda qaab raaxaysi ah.
Waxa kale oo Caasamidda China ee Bekiin isna ku yaalla huteel caan ah, kaasi oo macmiisha goob madaw raashinka lugu siiyo, maxaa yeelay huteelka ayaan lahayn laydh iftiimiya. Laakiin Shaqaaalaha Huteelka ayaa xidhan muraayadaha arraga ee habeenkiii ee ay dhulka madaw ciidamadu wax kaga arkaan si ay u gartaan una arkaan macmiilka aya doonayaan inay raashin siiyaan.

Leave a Reply