Maalqabeen Shuruud Ku Xidhay In Hablihiisu Dhaxlaan

0
403

Maalqabeenka Maraykanka ah ee Moures ayaa ka hor intii aanu dhiman shardi ku xidhay labadiisa hablood in aanay dhaxli Karin xoolihiisa ilaa ay buuxiyaan shuruuda uu ka rabo. Hantiilahan oo 77 jir ah ayay labadiisa hablood ee u dhalay kala yihiin Victoria oo 17 sano jirtay iyo Marina 21 sano jir ah. Waxaana uu sheegay inay xoolaha qaadan karaan marka ay ka soo baxaan jaamacadaha qiimaha leh midkood isla markaana ay guursadaan wiilal u qalma. Moures Laus ayaa intaasi ku daray in xoolaha la siin karo keliya marka ay da’doodu gaadho 35 jir ah. Wakhtigaasi oo uu sheegay in caqligoodu uu korayo.  Waxa kale oo intaasi ku daray in la siiyo mid kasta oo ka soo qalin jebisa jaamacadda lacag 750 kun doller, marka ay soo qorto 100 kelmadood oo ay ku cadaynayso qaabka ay lacagtan u isticmaalayso. Gabadhiisa ayaan xoolaha waxba laga siin doonin ka dib markii uu dhintay isagoo furay.
 

Leave a Reply