Isaga oo Mayd Ah Ayuu Ku Guulaystay Tartanka

0
487

Xaaladaha geerida ayaa aad u kala duwan,  wakhtiyada iyo sababaha dhimashaduna waa kuwo aan isku mid ahayn. Waxaana jira kuwo dadka qariib ku noqda.
Frank Hies ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee ku guulaysta tartanka faradaha isagoo mayd ah.  Franka ayaa tartanada ka qayb geliyay sanadkii 1923. Waxaana la sheegay in isagoo faraskiisa saaran oo tartanka ku jira inuu wadanuhu istaagay laakiin farasku ma joojin orodkii ilaa uu noqday kii ugu horeeyay oo ka gudba diilinta kuna guulaysta kaalinta koowaad. Waxase naxdin ku noqotay dadkii iyo garsoorayaashii markii la arkay Frank oo mayd ah oo faraskiisa saaran.   Waxaana uu noqday maydkii ku guulaystay tartanka orodka fardaha.
 
Gareth Jones oo isna ahaa jilaa filimada dhiga oo dalka Ingriiska u dhashay ayaa sanadkii 1958 ku metelayay Filim inuu ku dhacay wadno xanuun. Laakiin waxa yaab noqotay in isla wakhtigaasi uu si rasmi ah ugu dhacay wadno xanuunku iyadoo kamaradii laga duubayo. May jirin cid isku deyday inay dhakhtarka ula cararto maxaa yeelay waxa loo malaynayay inuu weli filmkii metelayo. Gareth ayaa halkaasi ku naf baxay taasina waxay mucjiso ku noqotay filim duubayaashii iyo dhamaan intii filimka ku jirtay sida qisadii filimka ahayd ay mar qudha isugu bedeshay qiso dhab ah.
Waxa kale oo qariib noqday markii Maayarkii magaalad Delhi ee Dalka Hindiya isna dhintay ka dib markii uu ka soo dhacay fooq sare isagoo iska difaacayay koox daayeero ah oo soo weeraray, wakhtigaasina  wuxu ku jiray xaalado uu magaalada nadaafadeeda ugu kuur gelayay.
 

Leave a Reply