Waxa Ka Dhisan Hal Dugsi, Laba Dukaan Mana Laha Xabaalo

0
460

Jasiiradda  lagu magacaabo Santa Cruz del ayaa noqotay tan dunida ugu saxmadda badan uguna cidhiidhisan,  Waxayna  ku taalla Xeebta dalka Colombia ee badda Carbianka.
Baaxadda dhulka ay ku fadhido ayaa ah 0.12 Km2.  Tirada dadka ku nool ayaa dhan 1200 qof. Waxa kale oo jasiiradda ka dhisan 90 guri, huteel, Dugsi keliya, iyo laba Dukaan.
Jasiiraddan waxa helay 150 sano ka hor koox kaluuumaysato oo Colombiyaan ah. Jasiirdani malah dhakhtar, mana laha meelo xabaalo ah, dadka jasiiradda ku dhintana waxa lagu aasaa jasiirad kale oo u dhow, waxayna dadkeedu u yaqaanaan Jasiiradda Janno. Waxa kale oo intaasi dheer inay jasiiraddu leedahay mishiin laydh  keliya kaasi oo dabka siiya jasiiradda maalintii shan saacadood oo keliya.
Jasiiraddan ayaa ku tiirsan dhaqaalaha ka soo gala dalxiiska kuwaasi oo ay ku bixiso waxyaabaha nolosha lagama asaaska u ah. Kooxaha dalxiiska ayaa ka yimaadda magaalada Paro ee  Maraykanka oo u jirta 50 km, waxayna sheegeen inay tahay goob ku fiican dalxiiska oo aan lahayn kaneeco, taasi oo ay kaga duwan tahay mandaqada magaalooyinka kale ee ku yaalla.

Leave a Reply