Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Sool Ka Fuliyay Olole Lagu Adkaynayo Nabadgelyada Gobolka

0
375

Laascaanood (Dawan)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaalle oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaana gobolka Sool ayaa warbaahinta uga warramay socdaal ku saabsan adkaynta nabadda dalka oo uu ku maray deegaano ka tirsan Gobolkaasi Sool.
 
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaalle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanod ee xarunta gobolka Sool ayaa ka si faahfaahsan uga hadlay socdaal dheer oo uu ku marayay Tuullooyin iyo degmooyin dhawr ah ka tirsan gobolkaas, halkaasi oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyay.
 
“Socdaalkaasi waxa uu ahaa socdaal aanu dadka ku wacyi-gelinayno nabadda iyo qiimaha ay leedahay iyo shaqaaqadii  dhawaan ka dhacday magaaladda  Guumays ee gobolka Sool oo ay beeshu nabad ka qaadatay,” ayuu yidhi  Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaalle.
 
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Garaad Ducaale waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu soo marnay deegaamadii beesha oo dhan, magaalooyin, tuullooyin iyo ceelal-ba, waxaanu ka bilawnay ugu horrayn ceelk la yidhaahdo Huftiro oo ay ka cabayeen Geel badan iyo xoolo badan dadkiina aanu kala hadalnay nabadgelyada.”
 
“Waxaanu ku xejinay Hadhwanaag oo aanu halkaasna dadkii kula shirnay una warranay isla markaana aanu ku dhiiri gelinay oo ku bogaadinay adkaynta nabadgelyada iyo qiimaha ay u leedahay bulshadda, waxaanu ku qadaynay oo aanu tagnay Shururux oo aad nalooga soo dhaweeyay dadkiina aanu kula hadlanay, iyo goobo kale oo badan ayaanu tagnay oo iyana aad iyo aad nalooga soo dhaweeyay isla markaana aanu dadkii gaadhsiinay farriinta nabadgelyada,”  ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
 
 
Garaadku  waxa kale oo uu ka hadllay shaqaaqo dhawaan laba beeleed ku dhexmartay deegaanka Dharkayn-geeyo oo ka tirsan gobolka Sool, waxaaanu baaq nabadgelyo ah u diray labada beelood ee walaalaha ah ee ay halkaasi dhibaatadu ku dhexmartay waxaanu yidhi “Dhibaataada ka dhacday Dharkayn-geeyo horena bayaan ayaanu uga sii daynay maantana waxaan leeyahay colaalada ha la joojiyo, beeshuna iyada oo mug leh ayay ka qayb gali doontaa hawshaa iyo nabadaynteeda.”
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply