Siyaasi Guddoomiye Cirro Ku Eedeeyay Inuu Hor-taagan Yahay In Doorasho Ka Dhacdo Dalka

0
400

Hargeysa (Dawan)- Siyaasiga Maxamed Saleebaan Maxamed (Maxamed Saleebaan Wayne) oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ku eedeeyay  guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro in aanu doonayn in doorashooyinku qabsoomaan, maadaama oo uu samayn waayay xeerkii lagu soo dooran lahaa mudanayaasha aqalka wakiialadda.
 
Maxamed Saleebaan Wayne oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta maalintii Khamiistii ayaa waxa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka golaha wkaiiladda iyo madaxtooyadda ay keentay xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiiladda oo qabyo ah taas oo uu tilmaamay in masuuliyadeeda uu leeyahay guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro.
 
Maxamed Saleebaan Wayne oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha wakiilladda ee la soo doortay ilaa 2005-kii waxa loogu taag waayay waar xeerkii laydinku soo dooran lahaa ee aad doorashadda ku gali lahaydeen sameeya.”
 
“Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ma ogola inuu sameeyo xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha wakiilada, doorasho ha la qabtana wuu leeyahay,”ayuu yidhi Maxamed Saleebaan.
 
Maxamed Saleebaan Wayne  waxa uu u soo jeediyay xeer ilaalinta guud in ay waajibkooda ka gutaan dadka caadaystay in ay ku dhawaaqan in aanay dawladi jirin, waxaana uu yidhi “Sharci ayuu dalkani u baahan yahay ee cidii sharcigiisa fulin lahayd waa xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo garyaqaanka guud xilkoodii ha ka soo baxeen ama umadda yaanay lugoyn ee ha baneeyaan meesha si ceeb la’aana dunuubtaas dhacday ragaas leh yaan cashuur la bixin dawladi ma jirto.Kuwa foojarigareeyay xeerarkii golaha wakiiladda, kuwaa beesha caalamka qaylo dhaanta u diraya ee leh Guurtidu sharci darro ayay samaysay, wax ha laga qabto.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply