‘Abaarta Barrigu Waxay u Badan Tahay Biyo La’aan, Abaarta Galbeedku Waa ta Saamaysa Calafka Xoolaha….’

0
330

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda beeraha   Maxamed Aw Daahir Ibraahim, ayaa sheegay in abaaraha ka jira meelo badan oo dalka ahi ay saamayn xoogan ku yeesheen waxsoo saarkii sannadkan ee dalagyada beeraha.
Wasiirka  oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradaas oo shalay  hor tegay guddi hoosaadka joogtada ah ee guurtidda, waxa  kale oo uu sheegay in ay hoos u dhac ku yimi dalagii la ka soo bixi lahaa beeraha dalka.
 
Wasiirku isagoo arrimhaasi  ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxa saamayn xoogan nagu yeelatay abaarta dalka ka jirta, dadku wixii ay haysteen waxay siiyeen xoolaha, si ay ugu badbaadiyaan, markaa dadkii iyo xoolihiiba baad la’aan baa ku dhacday. Dalagii sannadkan la filaayay ee ay ahayd in ay soo go’aan waxa u ahaa (Laba boqol afar iyo sideetan mitirg tan) ayuu dalkeenu u baahan yahay sannad kasta. Waxa sannadkan la filayaa (Sagaal kun afar boqol iyo lixiyo todobaatan tan), qiyaastaasi baahida dalkeena waxay u dhigantaa (3%). Markaa waxa dhiman (Laba boqol iyo afar iyo todobaatan, shanboqol iyo afariyo lixdan kun oo mitirig tan). Markaa waxa la odhan karaa (97%) midhihii dalkeenu u baahnaa way inaga maqan yihiin”.
 
Wasiirka wasaaradda beeraha  waxa kale oo uu ka hadlay kala duwanaanshaha abaaraha dalka ee ka jira bari iyo galbeed, waxaanu yidhi “Dalkeena galbeed waa beeraley, barina waxa uu u badan yahay xoolo dhaqato. Abaarta bariga iyo ta galbeedku way kala duwan tahay. Abaarta barigu waxay u badan tahay biyo la’aan, abaarta galbeedku waa ta saamaysa calafka xoolaha iyo dadka. Ta maanta dalkeena ka taaganina waa taas.”
Wasiirku  mar uu sharaxaad ka bixinaayay hawsha ay wasaaradda beeruhu qaranka uga masuulka tahay. Waxa uu yidhi  “Wasaarada beeruhu waxay u xil saaran tahay taynta iyo tacabka beeraha, raadinta abuur wabnaagsan iyo taakulaynta beeraleyda oo had iyo jeer ah dad dan yar ah.”.
 
dhinaca kale  gudoomiyaha guddi hoosaadka guutida Md. Muxumed Aw Axmed ayaa wasiirka iyo hawl wadeenada wasaaradda beerahaba uga hamad celiyay warbixinta waafiga ah ee ay ka bixiyeen xaaladda wasaaradaas. Waxaanuu ku dhiiri galiyay in ay halkaas hawsha culus ee ay u hayaan bulshadooda.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply