“Waraaqda Foojariga Ah Anigu Ma Qorin Xafiiskaygana Kama Soo Bixin” “Soomaliya Waxa Iskugu Kaaya Dambaysay Maalintii Cadayd Ee Aan Kaga Soo Kacnay Shirkii Istanbuul”

0
328

Berbera(Dawan)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali  Xaaji Xasan, ayaa been aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay warqad lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha Internet-ka oo la sheegay inuu u qoray dawladda Soomaaliya oo uu kala hadlayay wax lagu sheegay horumarinta marsadda Berbera.
Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay iskugu dambaysay maalintii ay weftigii Soomaaliya kaga soo kaceen wada hadaladii u dhaxeeyay labada dal ee lagu qabtay magaaladda Istanbuul ee wadanka Turkiga.
Wasiirku waxa uu mawduucaas kaga jawaabay qoraal uu xalay ku baahiyay shabakadiisa Internet-ka ee Guusha.com, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL iyo Weftigii uu hogaaminayey oo ku gudo jira safarkii shaqo ee ay gobollada bariga ku marayeen isla markaana maraya saacadihiisii u dambeeyey ayaa maanta(shalay)  xadhiga ka jaray balaadhin lagu sameeyey barxada marsada Berbera, taasi oo wax badan ka tari doonta cidhiidhi badan oo dhanka kaydka ah oo markii hore ka jiray.
 
Haddaba annaga oo ku gudo jirna balaadhinta, samaynta iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka sida dekedaha iyo waddooyinka ayaan hadana maalmihii u dambeeyey arkayey waraaq fooljari ah oo lagu sheegayo inaan dawlada Xamar u qoray kana hadlaysa wareejinta Dekeda Berbera!.
 
Waxaan leeyahay waa war iyo waraaq been abuur ah oo aan xafiiskayga ka soo bixin Dekeda Berbera-na cidna uma daba fadhino,  cidnana ka baryi mayno, waa dalkayagii oo annagaa u joogna waanu dhisaynaa waanan horumarinaynaa, Soomaliyana waxaa isugu kaaya dambaysay maalintii cadayd ee aan kaga soo kacnay shirkii Istanbuul.
Waxaan leeyahay cida ku warwareegaysa samaynta waraaqaha been abuurka ahna “Qaranimada wax ha u dhimina oo intaad qof weerar is leedahay ha dhaawicin qaranimada iyo milgaha.
 
Waxaan leeyahay Mucaarid iyo Muxaafidba maaha in Xamar qiimo loo yeelo oo laga dhigo meel loo kala badinayo qaranka Somaliland-na dhaawac ayey ku tahay inaan waxaas oo kale isku dhaliilno ee aynu si turxaan la’ u tartano. Wa Bilaahi Tawfiiq.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply