Xildhibaan Golaha Wakiilada Ka Tirsan Oo Waddani Ku Suntay Xisbi Beeleed

0
337

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Mahdi Cabdillaahi Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani inuu noqday mid beel qudha ku kooban oo ay ku urureen hal reer.
Xildhibaan Mahdi oo shalay ugu waramayay wargeyska DAWAN,  ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanay umaddu ka dhex muuqan, isla markaana uu ku kooban yahay oo kaliya beesha guddoomiye Cirro oo aanay cid kale ku tarixin.
Xildhibaan Mahdi waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo weeraray madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylici waxaana uu tilmaamay in Axmed Muumin Seed socod barad ku yahay saaxada siyaasada dalka isla markaana ay habboon tahay in uu wax ka barto nidaamka siyaasadda.
“Xisbiga Waddani,  xisbi qaran ayaan ku wadnay oo beelaha Somaliland ka wada muuqdaan oo talladiisa wada yeeshaan.  laakiin wixii haddii reer ku soo koobmo sida guddoomiyaha xisbigaasi wado isagaa cidlo is dhigay. waxaana leeyahay waa in aad taageero ka doonataan Laasqoray illaa Lawyo-cado oo dadkuna u sinaadaan xisbiga Waddani sida labada xisbi ee kale,”ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi.
 
Xildhibaanka oo daba socday hadal hore uga soo yeedhay Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi  “Waxa aan leeyahay Guddoomiye Cirro waxa uu dambi ka galay marka uu leeyahay muddo kordhintii aqalka wakiiladda loo sameeyay  waa sharci darro. Haddiise uu sharci darro u arko Golaha muxuu u hor fadhiyaa oo uu iskaga casili waayay.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu qof aan wali siyaasadda ku bislaan ku sifeeyay Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI, waxaanu yidhi “Hadalkii aflagaadada ahaa ee ka soo yeedhay Axmed Muumin Seed,  waxa aan u arkaa ka mid uu ku gefayo madaxweyne ku xigeenka oo ah masuul qaran.
Axmed Muumin Seed waa nin ku cusub saaxada siyaasadda,  waana  nin tallaabo barad ah oo laac-laac badan,  laakiin waxa fiican inuu wax ka barto siyaasada oo waxna korodhsado isagoo shalay la geeyay mansab aanu u qalmin in masuuliyiinta qaranka aflaagaadeeyo waa dambi.”
Khadar M. Cismaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply