Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu iska casilo xilka uu ka hayo xisbigaasi, ka dib markii magaciisa lagu saxeexay isagoo aan ogayn waraaqdii habeen saddexaadkii ka soo baxay xarunta WADDANI ee lagu sheegay in xilkii lagaga qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa Garabka haweenka ee xisbigaas oo ay ku eedeeyeen inay xidhiidh la sameeyeen saraakiil ka tirsan xarunta madaxtooyadda.
Xog wargeyska DAWAN ka helay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee WADDANI uu ka cadhooday in magaciisa lagu saxeexo qoraal aanu isagu waxba ka ogayn ama lagala tashan. Arrintaasi oo ay fuliyeen koox hawl-wadeenno ka ah xarunta WADDANI oo ah khusuusiga xisbigaasi kana soo jeeda beesha Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in siyaasiyiin ku jira xisbiga WADDANI ay gelinkii hore ee Sabtidii oo dhan ku jireen ergo ay xal ugu raadinayeen oo ku guulaystay inay baajiyaan is-casilaadii Xoghayaha Guud ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcade.
Siyaasiyiinta ergada ugu tagay Xoghayaha WADDANI waxa la soo weriyay inay ka raali-geliyeen gefkaa maamul ee magaciisa lagu soo saaray, waxaanay u balan-qaadeen inaanay mar dambe dhacdadaas oo kale aanay ka dhici doonin xisbiga gudahiisa.
Waxa kale oo ay sheegeen in ay saxayaan mulaaqa maamul ee xisbiga ka dhex jira,kaasi oo shiiqiyay fulinta awoodaha masuuliyiinta xilalka ka haya xisbigaasi ee aan ahayn beesha Hoggaamiyaha WADDANI.
Geesta kalena, waxa mareegaha Internet-ku maalmihii u dambeeyay baahinayeen qormooyin la xidhiidha in Hoggaanka xisbigaasi uu noqday mid ay ku kaliyaysteen koox isku beel qudha ka soo jeeda oo si caadafad leh xisbiyahanadda WADDANI ka xigsanaya xisbiga. Waxa qormooyinkaasi ka mid ahay mid lagu daabacay shabakadda Gudgudenews oo tafaasiil ka bixisay sawirka beeleed ee xisbiga WADDANI hadheeyay, waxaanay warbintaasi u dhignayd sidan:-
“Beryahan dambe cid kasta oo ka baxda xisbiga WADDANI waxay hasaawe iyo fagaareba ka sheegaan in xisbigaasi uu noqday mid u eg NGO koox isku ardaa ahi ay leedahay oo kale.
Waxay eedda noocaas ah uga jeedaan in awooda xisbiga ay leeyihiin koox jufada Guddoomiyaha ka soo jeeda oo taageereyaasha kale iska xigsiinaya xisbiga. Waxa kale oo masuuliyiinkii xambaantooda ka gurtay WADDANI ay sheegeen in ilaha dhaqaalaha ee xisbigu aanay ahayn mid caam ah oo xisbiga loo soo bandhigo ama laga tallo-geliyo qaabka loo fulinayo, hase ahaatee ay tahay oo kaliya mid ka soo baxda jeebad gaar ah oo ay tasarifkeedana leeyihiin ashkhaas gaar ahi oo is-dhaarsatay isla markaana aanay cidi tarixin.
Waxa masuuliyiin toban ku dhow oo ka baxay WADDANI ay ku doodayaan in xisbigu muuqaalka guud iyo magaca xisbinimo marka laga tago aanu ahayn xisbi leh hadaf cad iyo istaraatajiyad uu shacbiyad ku doonayo.
Waxa dadka sidaas aaminsani ay daliishanayaan in xisbiga dhexdiisa uu qofka aan Beesha galbeedka Burco ka soo jeedini uu markiiba dareemayo qallo iyo in la iska ururinayo. Waxa arrintaasina ay sumcad xumo naanays ku tahay dhegta iyo karaamadda Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hamigiisa mustaqbalka ku sheegay inuu u tartamayo xafiiska Somaliland laga hoggaamiyo ee (MADAXWEYNENIMADA). Marka uu qorshuhu sidaas yahay, waxa is weydiin mudan haddaba, muxuu yahay himiladda laga doonayo murrashaxa xilkaas culus u soo ban-baxay?
“Muuqaalka Xisbiga Guud marka hoos looga dego ee aad tagto xafiiska xisbiga waxaad dareemaysaa in beel kaliyi ku soo xoontay xisbiga WADDANI,”ayay ku dooday oo Guddoomiyihii hore garabka haweenka ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Ifraax Cumar Xasan oo maanta shir jar’aaid ku qabatay Gurigeeda Magaaladda Hargeysa, markii Xoghayaha Guud ee xisbiga Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde uu niskii dambe ee habeen hore soo saaray qoraal uu sheegay inay xilkii ka qaadeen laba haween ah oo ay ku jirtay oo uu sheegay inay dhawaan kulan qarsoodiya la yeelatay masuuliyiin ka tirsan madaxtooyadda oo ay ku kacday fal khiyaamo ku ah xeerka iyo siyaasadda xisbiga WADDANI.
Haddaba, maadaama oo eedaha noocan oo kale ahi ay ku soo noqnoqotay xisbiga WADDANI oo ay siyaabo kala duwan u gaadhay dhegaha ray’ul caamka bulshadda, waxa lama huraan ah in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu dib ugu noqdo siyaasadiisa iyo jidka uu u marayo hanashada bulshadda Somaliland, isla markaana uu la yimaado facaa’il uu ku tirtirayo xantan u meel martay.
Waxa ay tahay inuu si masuuliyadi ku jirto u kala jaro isbaarada loo kala dhigay isaga iyo codbixiyeyaasha Somaliland, waxa la gudboon inuu la yimaado siyaasad qarameed oo aan ku dhisnayn gobolaysi.
Ma dhacdee haddii beel kaliyi qof kursi madaxweyne saarayso oo uu Xataa ku guulaysto inta xisbigiisa dhiiladu ka jirto, dad badani way sii suuraysan karayaan muuqa dawladiisu lahaan doonto!
Bil iyo dheeraad gudaheed waxa is casilay masuuliyiin badan, waxa is weydiin mudan inuu Guddoomiyuhu baadho asbaabaha looga dareerayo xisbiga oo uu si maan-gal ah u daweeyo halka sartu ka qudhuntay. Haddii kale waxay noqon doontaa mid dambarsata mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo in xisbigaasi uu ku hagaaso halka maanta uu taagan yahay.
Dadka falan-qeeya siyaasaddu marka ay isbarbar-dhigayaan Xisbiyadda KULMIYE Iyo WADDANI waxay sawir kaa siinayaan in xisbiga KULMIYE xiligii uu mucaaridka ahaa meelaba aanay ka soo geli jirin tallada xisbiga beeshii uu ka soo jeeday Madaxweyne Axmed Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ahaa. Balse uu kasbaday dadweynaha Somaliland cidhif illaa cidhif. Halka xisbiga WADDANI oo ah mid wali galay hal doorasho oo kaliya, la dareemayo xooga iyo maskaxda riixaysa xisbigaasi ay u dheeliday beel qudha. Taasina ay keentay tuhunkan soo baxay.
Si kastaba ha ahaatee waxa la eegi doonaa sida uu su’aalahan Hoggaamiyaha WADDANI wax uga bedalo maalmaha soo socda, waxaan ku soo khatimayaa qormaddan heestii Fanaaniinta xidigaha Geeska ee uu curiyay Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ereyadeedana ay ku jireen:-
“Ummaddii hurin-huriniyo, Noqota Habar-habar
Kolay Hibashiyo, Ma waydo Huqdee.
Qaranka Hadhsadoo