Sanduuqa Maydka: Ku Soo Dhowow Huteelka Geerida

0
379

Magaalada Lewiston ee dalka Maraykanka ayaa laga furay Huteel uu yaallo sanduuqa uu ku jiray maydka wadaadka Mad-habta Katoliga 100 sano in ka badan.  Sanduuqa  ayaa la balaadhiyay wakhtigan si uu u qaado laba qof.
Qolka huteelka uu yaallo sanduuqan malaha waxyaabaha asaasiga ah sida biyaha, laakiin qofka gala uma baahna wax badan, maxaa yeelay waxa ugu badan ee uu ku jiraa waa shan saacadood.
Kan dhimanayaa wuxu ku arkayaa qolka waxyaabo raaxo leh sida Tv, kabadh qurux badan
Kani waa albaabka laga soo galo dunida kale (aakhiro) kaasi oo uu ka soo galay wadaadka Thomas Wallace oo asaasay kiniisaddan, kaasi oo doonayay inay noqoto xabaalo goobtani, ayaa ah astaamaha qolka geerida.
Maydka Thomas ayaa laga soo saaray sanadkii 2009, waxaana lagu aasay xabaal u dhow.
Mulkiilaha Huteelkan Andrew Knight ayaa sheegay in wadaadka Thomas uu dareemi doono farxad mar haddii dib loo soo celiyay shaqadiisa uu bilaabay.  Goobtan ayuu iibsaday ninka Huteelka ka furtay isagoo bixiyay lacaga dhan 760 kun doller ka dib markii lagu baahiyay barta eBay in dhismahan la iibinayo.
Qofka doonaya inuuu qolkan ku dhinto ee huteelka yimaadda wuxu huteelku siinayaa cuntada ugu danbaysa ee uu ku dhimanayo,waxaana laga furayaa qolkaasi, marka uu huteelka siiyo kharashkiisa. Waxaana marka danbe lagu aasaa xabaalo u dhow. (CNN 02/08/2015).

Leave a Reply