Shaqaaqadii Dharkayngeenyo Oo Laga Gaadhay Heshiis Hor-dhac ah

0
338

Buuhoodle (Dawan)- Ergada dhexdhexaadinta ka dhex wada labadii beelood ee dhawaan iska horimaadku ku dhex maray deegaanka Dharkayngeenyo ee gobolka Sool ayaa halkaasi ka soo saaray heshiisyo hor dhac ah, dagaalkaasi oo ahaa mid sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Ergadan dhexdhexaadinta shaqaaqadan ayaa ka kooban waxgarad badan oo iskood isu xilqaamay, kana kala socda deegaamo kala duwan, waxaana hogaaminta madashaasi la wareegay Garaad Cabdrisaaq Garaad Soofe Iyo Garaadka Cali Sheekh oo hogaaminayay wegtigii Buuhoodle, waxaana lagu guulaystay in halkaasi laga soo saaro heshiisyo hor dhac ah.
Wargayska DAWAN ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxaanu garaadku ka xog-waramay xaalada guud ee deegaankaa iyo waxa u soo qabsoomay ergadoodii isaga oo ku sugan magaalada Buuhoodle waxaanu yidhi ”Waxaa noo qabsoomay wax badan annaga labada dhinacba ay noo qabsoomeen, naguna sharfeen is xilqaankayagii iyo dhex-galkayagii erganimo, waxaanuna markhaati ka nahay in ay labadii dhinacba dableydoodii  rareen oo qolona geysay Saaxdheer halka qolada kalena ay geeyeen Dharkayngeenyo, annagoo soo kala dhex-dhignay heshiis hordhac ah oo noqonaya  wejigii koowaad.”
Garaadku waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu markhaati ka nahay annagoo dhan kasta cuqaasha,waxgaradka, culimadda  iyo garaadka guud oo hawsha nagula jirayba mar labaad ayaan mahad balaadhan hawada u marinayaa.
Hawsha wixii dhimanna waa la gudo-gelayaa oo waa la dhammaystirayaa, runtii xaaladaasi ma lahayn wax dayro ah iyo xiisad taagnayd idamka ALLE waxaan u rajaynayaa inaanay intaa innagu dhaafin, waana beelo walaalo ah isla markaana ood-wadaag ah.”
 
Dhinaca kale waxaa iyaguna warbaahinta la hadlay ergada labada dhinac ee shaqaaqadu dhex martay kuwaasi oo ka waramay xaalada waanwaaneed iyo nabadeed shaqaaadii lagu furdaaminayo, iyaga oo goobtaas ka caddeeyey inay aqbaleen codsiga ergada qolo walibana ay ciidankoodii qaaday oo kala geeyeen Saaxdheer iyo Dharkayngeenyo iyadoo goobta uu dagaalku ka dhacay ahayd magaalada Dabataag, sidoo kalena ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhammeeyo xaalada.
 
Sheekh Maxamed Deeq Xaaji Xasan oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa mahad celin balaadhan u jeediyey labada dhinac ee ka ajiibay codsiga iyo danta ergadu isu soo xilqaantay, waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa labadiina dhinac  ee naga aqbalay  ergayda iyo waanwaanta, wixii dhimanna waanu gelaynaa haddii ALLE yidhaahdana  way  dhamaanaysaa xaaajadani.”
Garaad Cali Sheekh ayaa isaguna sidoo kale u duceeyey labada dhinacba ILLAAHAY na u waydiiyey inuu ugu bedelo wax khayr qaba, waxaaanu yidhi “ILLAAHAY waxaan idiinka baryayaa in uu miisaanka xasanaadka idiinkku darro sidaad nooga aqbasheen ergada wax khayr qabana ha idiinku bedelo. mana miisaami karo sida aad noogu dhego nuglaateen ee aad noo maqasheen.”
Garaadka guud Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa soo gunaanaday kulankaa isagoo u sheegay beelaha deriska ah in ay ka mudan yihiin mahadnaq ergada walaalahooda ee u soo gurmaday isla waqtigiiba kana shaqeeyey isu soo jiidista iyo walaalayntooda waqtigana ku lumiyey, waxaanu yidhi “Halka Soomaalidu gaadhay beelaha qaarkood maba helaan gurmad sidaas ah, inaad ku shukridaana waa waajib ALLE idinku leeyehay ,waana walaaltinimada. labada beelood inay walaaloobaan, is ixtiraamaan , colaada iska ilaawaan waxay ku dhammaan ma laha, waayo waa wiil iyo gabadh ,isku daaqsin ,isku deegaan, wax allaale iyo waxay meel la kala tegayaan ma jiraan.”
By: Faysal Axmed Kaarshe
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply