Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn QEYBTA 25AAD

0
374

Waxa  shirkadaha Isgaadhsiinta, gaar ahaan tan ugu tunka weyn  ee sida dawladaha u soo daabacata  ee  ka bilowday dalka Jamhuuriyadda Somaliland tallaabadeedii ugu horreysay inay u rogtay lacagtii adkayd ee ku dhex wareegi jirtay seyladaha lagu kala sarrifto lacagta Dollarka Mareykanka iyo suuqyada ganacsigaba wax lagu kala iibsan jiray, inay lacagtii innoogu beddesho lambarro aan wax ku kala iibsano,waxna ku kala sarrifano. Tallaabadaa oo ahayd mid khiyaamo waxay si fudud ugu suurtogelisay Shirkadda Telesom oo ah tii kowaad ee u jeexday dhabbahan qalloocan ee bilaa sharciga ah shirkadaha isgaadhsiinta, inay gacanta ku dhigto dhammaan dhaqdhaqaaqii wareegga  suuqa lacagta ee Somaliland.
 
Laga bilaabo waqtigaas oo ahayd dabayaaqadii sannadkii ugu dembeeyey ee muddo xileedkii Xukuumaddii Rayaale, ayaa waxa ka bilaabmay suuqyada sarrifka ee lacagaha qalaad, inuu sannadba sannadkii ka sii dembeeya cirka isku sii shareero kor u kaca qiimaha halka Dollar, iyadoo uu geesta kalana hoos u sii dhacayey qiimaha shillinka Somaliland. Kor u kacaa qiimaha Dollarka iyo hoos u dhacaa ku imanayey shillinkeenna waxa uu sababay in dhammaan badeecadaha kala duwan oo kuwa daruuriga ahi ku jiraan iyana uu qiimahoodu sare uu uga sii socdo bil kasta, iyagoo ganacsatadu had iyo goor ku sar-jara badeecadahooda hadba xaaladda uu ku sugan yahay qiimaha Doollarku.
 
Halkaa waxa si cad oo aan madmadaw lahayn uga arkaynaa inaan sicir-bararka aafeeyey nolosha bulshadda, siiba dadka dan-yarta uga iman cirka, balse uu ka dhashay oo kaliya lacagtaa faalsada ah ee la midka ta foojariga ee lagu qiimo dilo ta asalka, haddii aan dhakhso layskaga qaban ay lacagtii faalsada ahayd ay ciddii soo samaysatay la wareegto awooddii maamul ee dhaqaale ee ku jiray gacanta bulshadda iyo tii ku jirtay gacanta Dawladda.
Haddaba,  tallaabadii ay Shirkadda Telesom ku hantiday wareegga dhaqdhaqaaqa lacagta adag, waxa kale oo ay hadda fursad u heleen inay sidoo kale shillinka Somaliland isagana mariyaan tubtii ay hore u mariyeen lacagta adag oo ay ka fara-maroojiyaan xataa sarriflayaasha mushqaayadda ka qaata ee u fadhiya seyladaha lagu kala beddesho lacagta oo intooda badan ee ugu dhaqdhaqaaqa rooni yihiin kuwa u kala shaqeeya ganacsatada waaweyn iyo shirkadaha Isgaadhsiinta. Nimankaa bacadka u fadhiya si ay ugala soo baxaan yoomiyahooda, ayaa iyana waxa dhawaan ka kicin doona fadhigaa shillinka Somaliland ee isna hadda ay shirkadaha isgaadhsiintu bilaabeen inay iyana Mobillada ugu shubaan dadka oo ay akoono ugu furan sidii Dollarka oo kale.
Tallaabadan labaad markay iyana hirgasho, waxa hubaal ah inaan qofna u baahan doonin sarrifle, maadaama Moobilka lagu kala sarrifan karo oo aanay jiri doonin baahi loo tago suuqa sarriflayaasha ee ku kala baahsan daafaha Caasimadda iyo magaalooyinka dalkaba. Waxa kale oo u fududaanaysa shirkadda Telesom oo imika ah ta la wareegtay qeybo badan oo ka mid ah warbaahinta sida Ogeysiisyada, farriimaha Caafimaadka, Xayeysiisyada Cisbitaallada, Wararka iyo wacyigelinta dhinaca diinta ah iyadoo aan wax sharci ah  u haysan, isla markaana wax cashuur ah ka bixinin Ogeysiisyada iyo Iidhehda ay ka qaadato lacagaha adag, in dadkana ay subax walba farriimo ay u dirto macaamiishooda qiimaha Dollarka ee isku beddelka shillinka Somaliland.
Waxa ku shaqo beeli doona tallaabadani markay si fiican ugu hirgasho Shirkadaha  kumanaan qof oo caruurtooda ka biilin jiray. ku hawlan ka ganacsiga lacagta ee loo adeegsado isticmaalka lacagta oo hore ugu koobnayd Dollarka, balse haatan ku darsadeen shillinka Somaliland, iyagoo u tusay Xukuumaddana inay wax ka tari doonto qiime dhaca shillinka Somaliland iyo sicir-bararka, kadib markay Xukuumaddu ugu baaqday wax ka qabashada adeegga Zaad iyo kuwa kale oo iyagu aan weli yeelan awoodda uu adeegga Zaad ku leeyahay dhinaca dhaqdhaqaaqa lacagta.
 
LA SOCO……………………………………

Leave a Reply