Hargaysa (Dawan): Maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa Cismaan Cabdilaahi Hirad, ayaa sheegay in biyo yaraanta baahsan ee maalmahan ka jirta magaaladda Hargaysa ay sabab u tahay Ceelashii biyo laga soo saari jiray oo ay biyahoodu yaraadeen iyo abaaraha ka jirra degaamo ka mid ah dalka oo saamayn ku yeeshay.
Maareeye ku xigeenku waxa uu tilmaamay in qaybta ugu badan ee bulshadda caasimadda ay biyaha siin jireen Booyadaha ka soo Dhaamiya dooxyadda magaaladda u dhaw, hase yeeshee Booyadihii intoodii badnayd ay dhawaan bilaabeen in ay biyaha u qaadaan meelaha ay abaaruhu ka jiraan.
Cismaan Cabdilaahi Hirad, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dooday in aanu jirin wax is-bedel ah oo ku yimid biyaha ay soo saarto Wakaaladda biyaha Hargaysa oo ay sidii caadiga ahayd u socdaan, isla markaana ay weliba kordhiyeen saacadaha ay Mishiinadu biyaha ka soo saaraan Ceelasha.
Waxaanu yidhi “Mudooyinkan danbe waxaa magaaladda Hargaysa ka jirra biyo la’aan, taasi oo aan ahayn tii aanu anagu wadnay. Mushkiladda jirtaana waxa weeyi, marka hore biyihii aanu anagu soo saari jirnay guud ahaanba waanu soo saarnay, intii MQ (Miter Quebec) ee aanu soo saari jirnay, si wanaagsana way u shaqeenayaan oo way u socdaan. Waxa kale oo jirta xilligan aynu ku jirno waa Xagdaa, Gu’gii Jiilaal buu isku bedelay oo roob ma di’in, toban bilood gudahood wax roob ah oo ka da’ay Hargaysa iyo hareeraheeda ma jiro. Dooxyadii biyaha laga soo dhaamin jiray waa laga waayey, Booyadaha ayaa ugu yaraan 45% buuxin jiray adeega biyaha ee caasimada Hargaysa, taasi waxay keentay in ay Ceelashii biyo ka waayaan, mararka qaarna ay dhacdo biyo la’aanta jirta Baadiyaha”.
“Markaa Booyadihii waxay u qaybsameen wax Baadiyaha tagga iyo wax goobihii ay tegi jireen biyo ka soo waayey, midda kalena way jirtaa oo markii Booyadihii ay dadku ka Dhaansan jireen ay waayeen waxay noqotay, in meeshii biyaha yar ka baxayeen in la iskugu taggo, oo Jirikaamadda la isugu geeyo. Laakiin haddii aanu nahay Wakaaladda biyaha Hargaysa, waanu soo saarnaa biyihii aanu soo saari jirnay, weliba saacado aanu Bakhtiin jirnay Mishiinadda ayaanu ku darnay oo Afar saacadood oo dheeraad ah, kuwaasi ayaa ku jira biyihii aanu markii hore soo saari jirnay, si aanu u ilaalino baahida biyo la’aaneed” ayuu yidhi maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa.
Dhinaca kale maareeye ku xigeenka Wakaaladda biyaha Hargaysa, ayaa u soo jeediyay war-baahinta in marka ay xog uga baahdaan Wakaalaadda biyaha in ay la soo xidhiidhaan masuuliyiinta, balse aanay qaadan wararka kutiri-ku teenka ah. “Waxaan u sheegayaa dadka war-xumo tashiilka ah, ee meelahaa la yaacaya warka in marka ay doonayaan Wakaaladda biyaha, ee ay wax ka sheegaan inay annaga na waraystaan, oo ay noo yimaadaan, masuuliyiintii baa joogta, dadkii biyaha cabayey baa jooga, biyo soo saarkii baa jira. Markaa waa inay masuuliyiinta ka waraystaan, ee aanay ku-tiri kuteenka qaadan” ayuu yidhi Cismaan Cabdilaahi Hirad.
Ugu danbayntii Cismaan Cabdilaahi Hirad, waxa uu kula dar-daarmay bulshadda inay ka daayaan Ciidda ay ka gurayaan dooxyadda, taasi oo uu sheegay in ay sababtay in biyuhu ay fogaadaan isla markaana dooxyadii laga Dhaasan jiray biyaha in biyo laga waayo.
By: Cabdi M.safwaan
Dawannews Hargeysa office