Daacish oo la Sheegay in ay Dad ka Afduubatay Suuriya

0
312

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in Daacish ay dad badan afduubteen.
Dadkan la qafaashay badankooda waxaa la sheegayaa inay yihiin Masiixiyiin.
Dadkan ayaa laga afduubtay magaalada Xums oo dhowaantan ay Daacish qabsatay.
Qof xuquuqda dadka u ololeeya oo Suuriya u dhashay ayaa sheegay in dadkii deganaa Qaryatayn la kexeystay Khamiistii, kaddib markii Daacish ay ciidamada dowladda Suuriya halkaas ka saareen.
Horraantii sanadkan, Daacish waxa ay boqollaal oo Masiixiyiinta Assyrian ah ka afduubteen waqooyi-bari Suuriya.
Halkii ay ku dambeeyeen dadkaasi badankooda lama oga illaa iyo hadda.
 

Leave a Reply