Qof kaga Tegay Hal Milyan oo Doollar Diyaarad Dhexdeed

0
306

Booliska dalka Angola ayaa waxa ay raadinayaan milkiilaha hal milyan oo dollar oo shandad ku jirta taas oo looga dhextagay diyaarad ku sii socotay Shiinaha.
Duuliyaha diyaaradda ayaa lacagtaasi helay, wuxuuna ku wareejiyay lacagta maamulka dalka Angola.
Waa sharcidaro in lacag intaa leeg lagu safriyo dunida oo dhan iyo dalkaasi gudihiisa ama laga gudbiyo xuduud.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska dalkaasi Angola oo lagu magacaabo, Aristófanes dos Santos, ayaa waxa uu sheegay in lacag gaadheysa 1,032,000 oo dollarka Mareykanka ah in la helay waxyar ka hor intaysan diyaaradda ka kicin garoonka caalamiga ah ee Luanda.
Shandadan ay lacagtan ku jirtay waxaa laga helay meel u dhow mid ka mid ah kuraasta qeybta Business class-ka ee diyaaradda.
Mr dos Santos ayaa sheegay in duuliyaha diyaaradda uu si degdeg ah arrinta ugu wargeliyay ciidamada amniga ee garoonka, kuwaas oo illaa iyo hadda isku deyaaya inay helaan qofka leh lacagtan.
Afhayeenkan u hadlay Booliska waxa uu tilmaamay in baadhitaan hadda ay bilaabeen si ay u helaan meesha asal ahaan lacagtan ay ka timi.
Lacagtan faraha badan ayaa waxa jahwareer gelisay dalka Angola, sharciga dalkaasi ayaana dhigaya qofkii lagu arko isagoo lacag intaa leeg boorso ku sita in la xidho oo la ganaaxo.
Dadka arrimaha dhaqaalaha ku takhasusay waxa ay sheegayaan, qofkii lacagtaas soo sheegta inaan loo celin doonin oo uu heli karo oo keli ah 1.5 boqolkiiba.
Wuxuuna wajihi doonaa dembiyo la xidhiidha qaadida  lacag sharcidaro ah iyo jebinta shuruucda dalka.
 

Leave a Reply