Falastiin Oo Laga Helay Magaalooyin Aasmay

0
295

Khubaro arrimaha ku takhasustay ayaa heshay markii ugu horeysay magaalo aasantay oo ku taala dhulka Falastiin,gaar ahaana inta u dhaxaysa daanta galbeed iyo magaalada Casqalaan la yidhaahdo,taas oo hore u ahaan jirtay qalcado waaweyn.
Magaaladan ayay khubaradu rumaysan yihiin inay ahayd tii ay deganaan jireen Biblical ,taas oo lagu noolaa muddo laga joogo laba qarni iyo wax ka badan .
Khubarada ayaa goobaha ay galeen ka helay qoraalo muujinaaya magaalada Magaceeda,taas oo ay sheegeen in la odhan jiray Qaat,waxaanay sheegeen inay ahayd halkani halkii uu geesigii reer Falastiin ee Jaaluut uu ku jebiyey boqorkii David ama Daa’uud,sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen.
Magaaladan ayay khubaradu sheegeen inay samayn badan ku lahayd siyaasada waqtigaasi ay jirtay,gaar ahaana qarniyadii 9-aad iyo 10-naad,waana magaalo lagu sheegay diintii Tawraad.
Khubaradan ayaa sheegay inay sii baadhi doonaan taariikhda qotada dheer eek u duugan magaaladan,iyaga oo magaaladan ku tilmaamay magaaloyinkii waaweynaa ee jiray waqtigii la odhan jiray Golden Age-ka,taas oo ahayd meel caasimad u ahayd boqorkii Jaaluut.
Magaaladan ayaa la dumiyey sannadkii 830 kii BC-da,taariikhda miilaadiga ka hor,waxaana dumiyey boqorkii xukumi jiray magaalada Dimishiq oo lagu magcaabi jiray Baabaliy Jasaa’ili,waxaanay sheegeen inay jirto waxyaalo badan oo lagu sheegay diintii Tawraad oo ku saabsan magaaladan.
Waxaanay ka dhex heleen khubaradu meelo dayrar ahaa iyo dhul guryo ahaa oo ay ku kaydsanayd biro badani.
Ninka madaxda u ahaa khubaradan oo lagu magcaabo Professor Aharon Meir ,kana socday jaamacada Bar-Ilan University ,sidoo kalena ka tirsan khubarada cilmiga dhulka ku takhasustay ee Israel ayaa sheegay inuu ka helay magaaladaasi meelo kamida dhul guryo cunto ah iyo meelo qalabkii military ee waqtigaasi yaalo,waxaanu sheegay inay soo saari doonaan markay baadhitaanadan dhameeyaan warbixin dhamaystiran.
 
 
 
 
 

Leave a Reply