Japan: Shaqaalaha Nadaafadda Ayaa Ugu Mushahar Badan

0
275

Dalka Japan qofka shaqada nadaafadda ka sheqeeya aya ah kan ugu mushaharka badan, waxaana uu qaataa lacag u dhiganta 5 kun ilaa 8 kun doller bishiiba. Shaqadan qofka loo qaadanayo waxa laga qaada imtixaan qoraal ah iyo mid afka ahba. Waana shaqooyinka ugu muhiimsan dalkaasi nadaafaddu. Waxaana loo yaqaana qofka shaqadan haya Injineerka Nadaafadda.
Ardayda dugsiyada ayaa iyaguna maalin kasta rubuc saac nadiifiya dugsiyadooda iyagoo maclimiintooduna hawsha la qabato, ujeedaduna maaha in caruurta la ciqaabayo laakiin waa in la abuuro jiil cusub oo nadaafadda u tababaran. Dalka Japan qof kasta oo Ey uu la socdaana wuxu sitaa kiish gaar ah oo uu ku ilaalinayo nadaafadda Eygiisa.

Leave a Reply