Guddida Musdambeedka WADDANI Oo Go’aamisay In Guddoomiye Cirro Iska Casilo Xubinimada Wakiiladda Furitaanka Kal-fadhiga 28-aad

0
282

Hargeysa(Dawan)- Guddida Musdambeedka  ee jaan-goysa  siyaasadda iyo go’aamadda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo dhammaantood ah beesha Hoggaamiyaha xisbigaasi ka soo jeeda ee galbeedka Burco, ayaa ugu dood muddo dheer ay dhegaha ka furaysanayeen ka dib waxa ay go’aamiyeen  in Guddoomiye  Cabdiraxmaan Cirro uu xilka iyo xubinimadda  Golaha Wakiiladda iska casilo  marka furmo kal-fadhiga 28-aad ee aqalka Wakiiladda oo lagu wado inuu  bilaabmo  maanta oo bishan August 8 tahay.
Guddida Mus-dambeedku waxay go’aankan qaateen ka dib  markii ay u arkeen in xisbigaasi aanu noqon Karin mid saamayn mucaaridnimo yeesha haddii aanu Hoggaamiyahoodu iska casilin xilka iyo xubinimadda  aqalka Wakiiladda, waxaana ilo guddidaasi ku dhow dhowi DAWAN u xaqiijiyeen inay isla garteen inaan xisbigoodu uu kaalin ku yeeshay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhintaba,iyadoo ay bar-madow ku noqotay xilka Guddomiyahoodu uu ka hayo Golaha Wakiiladda. Maadaama oo Guddoomiye Cirro uu horjooge ka yahay aqalka hoose ee baarlamaanka.
Sidoo kale Guddidaasi waxay sheegeen in xisbigooda ay dheg xumo ku tahay inay dhex fadhiyo Guddoomiye Cirro Golaha ay u arkaan inuu ku fadhiyo sharci darro.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa  in iscasilaada Guddoomiyaha WADDANI ee xubinimada Wakiiladda loo qoondeeyay inaanay dhaafin todobaadka u horeeya furitaanka kal-fadhiga 28-aad ee Wakiiladda.
Geesta kale waxa warar aan wali la xaqiijini ay sheegayaan In Guddida Musdambeedku ay Cabdiraxmaan Cirro ka wareejin doonaan Guddoomiyenimadda xisbiga si uu u noqdo oo kaliya murrashaxa WADDANI u metali doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto sannadka 20017-ka.
Dhinaca kale, waxa durba soo baxay Magacyadda Xildhibaanadda u tartamaya Guddoomiyenimadda Golaha Wakiiladda, kuwaasi oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Wakiiladda  Baashe Maxamed Faarax, Siciid Maxamed Cilmi, Garyaqaan Maxamed Jaamac, Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) iyo Siciid Cilmi Rooble.halka  xilka Guddoomiye Ku xigeenka koowaadna ay u cararayaan Xildhibaan Abubakar Good iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply