Wasiirka Ciyaaraha Oo Ku Dhawaaqay Guddida Qabanqaabada Tartanka Ciyaaraha Gobollada

0
293

Hargeysa (Dawan) –  Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi Kaahin, ayaa magacaabay guddida qabanqaabada tartanka ciyaaraha gobollada oo dhawaan dalka ka qabsoomaya, kuwaas oo ka kooban 11 xubnood.
 
Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu  guddidan ku faray inay sida ugu dhakhsaha badan u gudo galaan waajibaadka shaqo ee loo magacaabay, oo ah inay ka baaraan-deggaan wakhtiga ugu fudud ee ciyaaraha gobollada Somaliland sannadkan qabsoomi karaan, muddada ay bilaabmi karaan iyo dhammaan baahiyaha ku xidhan qabsoomida ciyaaraha gobollada Somaliland 2015 oo wejiga hore ka dhici doonaan magaalooyinka Burco iyo Boorame, halka wejiga labaadna uu ka dhici doono caasimadda Hargeysa.
 
Xubnaha Guddida qabaqaabada tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee Wasiirku magacaabay ayaa kala  ahaayeen:-
 
 
 
1-  Maxamed Xuseen Axmed Agaasimaha guud ee Wasaaradda, dhalinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Guddoomiye.
2-  Cumar Cali  Axmed Agaasimaha waaxda dhalinyarrada Guddoomiye ku xigeen)
3-      Maxamed Nuux Jibriil Agaasimaha waaxda ciyaaraha Xoghaye.
4-      Cabdirashiid  Caydiid Yaasiin Agaasimaha waaxda qorshaynta Xubin.
5-      Cabdikariin Faarax Xasan Agaasimaha waaxda maamulka Xubin
6-      Ibraahim Maxamed Diiriye Agaasimaha waaxda dalxiiska Xubin
7-      Maxamuud Xasan Cabdilaahi Guddoomiyaha xidhiidhka kubada kollayga Xubin
8-      Cabdilaahi Khayre Cawaalle Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Xubin
9-      Mustafe Cali Nuur Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Xubin
10-  Axmed Maxamed Shirre (Sacad) Xoghayaha xidhiidhka kubada cagta Xubin
11-  Cismaan Cumar X. Cabdi (Luqmaan) la taliyaha xidhiidhka kubada cagta  Xubin.
By: Khaalid Xabsi

Leave a Reply