“Haddii Ha’yaduhu Dumbuluq Degaan Ma Waxay Mucaaridka ula Muuqataa In Dalka ka Baxeen?”

0
320

Hargeysa (Dawan)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed  Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay in  aanay jirin wax Ha’yado caalamiya oo Somaliland ka baxay, waxase uu xisbiyadda mucaaridka ah  ku eedeeyay inay  ka xun yihiin in Ha’yadaha samo-falku ay xafiisyadoodu noqdaan koonfurta magaalada Hargeysa.
“Ha’yadaha qarramada midoobay ha noqoto  ama   kuwa ina caawiya oo midowga yurub ugu horeeyo  ha noqdaane oo wax weyn Somaliland  tara dalka way dagan yihiin oo xasilooni ayay  ku degan yihiin muddo dheer ayay deganaayeen,  waxa jirta in xafiisyadaasi qaarkood halka ay ka degan yihiin qandaraaskii ay ugu jireen guryaha uu dhammaaday oo xafiisyo kale  ay samaysanayaan waxa ay u qaateen xafiisyadii kale ee ay u wareegeen oo u badan agagaarka Huteelka Ambassador ee koofurta Hargeysa,  ayay yidhaahdeen  mucaaridkii dalkii ayaa laga baxay.  waar haddii la tago Dumbuluq ma waxa ay  idiinla muuqataa in dalkii laga baxay. Waxay arrintani la mid tahay  sidii aad hore aad  u tidhaahdeen markii madaxweynuhu goboladda bari tagay, waxa uu ka baxay wadankii,”Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo warbaahinta qaranka la hadlay.
 
Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu ugu baaqay xisbiyadda mucaaridka ah in ay la shir yimaadaan barnaamij cad oo ay kula tartamayaan xukuumadda,  hase yeeshee aanu qorshahoodu noqon mid ku salaysan aflagaado aan maangal ahayn, waxaanu yidhi   “Waxa runtii aan cambaaraynaynaa kuwa xumaynaya dalka ee haddana sheeganaya xisbiyo mucaarid ah.  waar ka daaya dalka sidan oo barnaamij siyaasadeed oo aad xukuumadda kula tartantaan keena.”
Mr, Dhuxul waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka fulisay mashaariic waaweyn oo horumarineed oo  saamayn togan ku yeeshay dawladnimadda Somaliland, waxaanu xusay inay awooda saartay adeegyadda Waxbarashadda, caafimaadka iyo waddooyinka.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply