Dhibaatada Dhaqaale Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn

0
294

Qormadeenii  25aad waxay inoo joogtay sifaha ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom suuqa uga saari doonto waqti aan fogeyn sarriflayaasha fadhiista suuqyada sarrifka lacagaha, taasoo aan ku soo xusnay qormadii u dembeysay, inaan sarrifle loo baahnaan doonin mar haddii uu qofka adeegga Zaad-ka lihi uu isagu isku sarrifi karo lacagaha Dollarka iyo Shillinka Somaliland. Arrintan waxay u suurto-gashay Shirkaddan kadib markay ku qanciyeen Xukuumadda inay u furayaan macaamiisheeda adeeg Zaad oo lagu isticmaalo shillinka Somaliland, iyagoo kaga baxsanayey in Zaad-ka adeeggiisu noqdo kaliya lacagta Shillinka Somaliland oo ahayd ta saxda ee lagaga dhaqmo dalalka Afrika ee uu sideenna oo kale ka hirgalay adeegga Zaad, sida dalka Kiiniya.
Haddaan dib ugu laabano mawduuceena qormadan ee la xidhiidhay siday sarriflayaashu suuqa uga bixi doonaan oo aan hore u soo sheegnay, bal si ay dadku ugu qancaan aan tusaale halkan idiinku soo bandhigo. Xilligii ay Shirkadda Telesom ku guda jirtay ololayaashii ay ku ballaadhinaysay isticmaalka Moobillada, waxa ay ka furtay dhammaan qeybaha kala duwan ee magaalooyinka oo Caasimadda kow ka ahayd, ka hor intii aanay Telesom hirgashan adeegga Zaad, goobo yaryar oo dabakaayooyin  ah ama sandaqado u badan oo ay dhigi jireen Kaadhadh ay ku qoran yihiin lambarro qarsoon oo lacagta ku kala qorani u dhaxayso hal Doolar ilaa shan Dollar oo dadka moobillada haytaa ka iibsan jireen si ay ugu shubtaan, kadib markay ka dhammaato lacagtii ay hore ugu shubteen.
Dadka hawshaa u hayey Shirkadda Telesom, waxa ay ka qaadan jireen kaadhadhka ay u iibiyaan Shirkadda waxoogaa khidmad ah oo waqtigaa wax goyn jirtay. Dhammaan goobihii ay ku xardhanaayeen astaanta Telesom ee lagu iibin jiray kaadhadhka Telesom, ayaa si tartiib-tartiib ah uga baxay saaxaddii ganacsatada ee loogu yeedho geddislayda, iyadoo sidaan filayo ayna dadweynaha reer Somaliland marna isweydiin siday uga baxeen suuqyadii ku can baxay iibinta Kaadhadhkii Telesom iyo ciddii fara-bixisay toona. Gees kale haddii aan ka eegno waxa iyana halkaa ku shaqo beelay dad tiro badan oo aan ilaa hadda wax xaq iyo xuquuq toona aan la siin, iyadoo aan ogsoonahay dhibaatada shaqo la’aantu ku hayso bulshadeenna.
Shirkaddu waxa ay ka takhalustay oo heeryadii kala degeen ganacsatadii yaryarayd ee u shaqaynaysay, doorka weyna ku lahayd socodsiinta adeeggii  kaadhadhka ee ku shubashada Moobillada, kadib markay bilaabeen inay dadka leh Sim-Kaadhada Telesom inay u furaan adeeg kale oo cusub oo ah kan maanta dalka ku haya dhaqaale boobka ee bilaa sharciga ah ee  ka ganacsada lacagta ee la yidhaa Zaad.  Furitaankii adeegga Zaad, waxa ay Telesom ka lahayd laba ujeeddo oo kala ahaa, inay dadka macaamiisha u noqonaya uga furto akawno telefoonnadooda, kuwaas oo ah lambarro tiro ah oo u dhigma hadba lacagta uu doonayo qofka akawn furtay in loogu shubo, iyadoo aanay jirin wax damaanad uga ah qofka lacagtiisa haddii uu waayo ama si kaleba looga xado ama looga khiyaameeyo.
Ujeeddadii labaad ee Zaad-ka furitaankiisa ay ka lahayd Shirkaddu waxay ahayd, in qof kasta oo moobil leh sim-kaadhkooda  sita, akawn ama xisaab socod lacageedna ka furtay Shirkaddooda uu ka maarmo raadintii iyo iibsigii kaadhadhka ku shubashada, maadaama uu u suurtagelinayo adeeggooda cusub ee ZAAD in qof kasta oo furtay adeeggaasi uu isagu telefonkiisa kaga shuban karo hadba inta doonayo ee awooddiisa  ah oo bilaa xuduud ah oo iyana aafo kale ku ah bulshada kadib markay shirkaddu go’aansatay in xataa kun shillin lagu hadli karo,taasina waa tallaabo kale oo mafiiqda ku marisay ilaa gunta hoose ee xididdada dhaqaalaha. Qorshahani waxa uu saamaxay in xataa ilaa dad aan awoodin isticmaalkiisa ay qaataan telefoonka gacanta, maadaama ay suurtagal u tahay inay lacagta ugu yar ku shuban karaan si kasta oo ay cidhiidhi ugu tahay.
Haddaba telefoonkan uu qofku iskugu shubayo isagu markuu u baahdo ama ka dhammaato lacagtii isticmaalka ku hadalku, ayaa kow ka ahayd sababihii dad badan ku kallifay inay Telesom ka furtaan adeega Zaad, ka sakaw dadkii ay shaqo tireen ee haddana ay xuquuq la’aanta direen, sidaana ku noqday shaqo laawayaal oo ah ta dhawaan ku soo fool leh sarriflayaasha.
LA    SOCO ……………

Leave a Reply