Kenya oo Hakisay Heshiis ay kula Jirtay CNN

0
299

Agaasimaha guddiga arrimaha xidhiidhka dalxiiska ee Kenya Kimutai Ngeno, ayaa sheegay inay hakiyeen heshiiska xayeysiiska ee TV-ga CNN.
Guddiga ayaa arrintaasi sabab uga dhigay telefishinka oo Kenya ku tilmaamay “meel ay argagixiso ku xoogbadan tahay” ka hor intuusan Obama Nairobi soo booqan.
Madaxa guddigan ayaa hadda waxa uu sheegayaa in heshiiska aan la wada joojin ee la hakiyay oo keli ah.
Waxa ay sheegayaan inay la tashanayaan wasaaradda ay hoostagaan iyo shirkadaha kale ee heshiiska ay la yihiin si arrintan xal looga gaadho.
Waxay warqad u qoreen TV-ga CNN laakiin telefishinka ayaan weli ka soo jawaabin warqadaasi. Waxayna sheegeen inay jawaab ka sugayaan.
Waxa ay sidoo kale ka doonayaan inay fadhi la yeeshaan, si ay ugala hadlaan isticmaalka ereyga “Xarunta argagixisada”.
Heshiiska guddigan iyo TV-ga ka dhexeeyay ayaa ahaa xayeysiin hal sano soconeysa oo ay ku bexeyso 100 milyan oo dollar, wuxuuna bilowday bishii July ee sanadkan.
Kenya ayaa xayeysiisyada dalxiiska la xidhiidha ka sii deyneysay TV-ga CNN iyo aaladaha kale ee digitalka.
 
 

Leave a Reply