Haweenay Faransiis ah oo Yaman laga siidaayay

0
302

Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo ku dhowaad lix bilood lagu haystay dalka Yaman ayaa la siidaayay, waxayna ku sii jeedaa magaalada Paris.
Wasiirka arrimaha dibadda ee faransiiska, Laurent Fabius, ayaa sheegay in haweeneyda oo lagu magacaabo Isabelle Prime ay suuragal tahay inay Paris gaadho xalay  fiidkii.
Madaxweynaha faransiiska ayaana ku soo dhaweyn doono dalkeeda kaddib markey ku noqoto.
Ms Prime waxa ay ka shaqeyneysay mashruuc uu bilaabay bangiga adduunka, waxayna ku sugneyd magaalada Sanca markii la afduubanaayay.
Waxaa lala afduubtay qof Yaman u dhashay oo turjumaan, oo kolhore la siidaayay.
Illaa iyo hadda lama oga kooxda afduubatay labadan haweeneydan u dhalatay Faransiiska.

Leave a Reply