Xubin ka mid ah Dimuquraadiga oo Diiday Heshiiska Iiran

0
317

Mid ka mid ah xubnaha hogaaminaya golaha senateka ee Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga, Chuck Schumer, ayaa sheegay in aanu madaxweyne Obama ku taageersaneyn heshiiska nukliyerka Iiraan.
Mr Schumer ayaa tilmaamay inay halis weyn ay ka soo socoto, wuxuuna diiday in la fududeeyo sida looga hortagayo iiraan.
Waxa uu ku doodayaa in heshiiska uu Iiraan u fududeynaayo inay gaadho ujeedooyiinkeeda ee uu ku tilmaamay inay “fool xun yihiin”.
Waa qofkii ugu horeeyay ee dimuquraadiga ka tirsan ee mucaarada heshiiskaasi.
Weriyayaashu waxa ay sheegayaan inay halis ku tahay Mr Obama oo iskudeyaaya in xisbiga Congress ka ay taageeraan heshiiskan taaraakhiga ah ee laga gaadhay barnaamijka Nukliyerka Iiraan.
Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in cunna qabateynta laga qaado dowladda Iiraan, waxaana sidoo kale diidan dalalka Carabta iyo Israa’iil.

Leave a Reply