Abwaan Dhako Oo Maanso Culus Ku Faaqiday Wadciga Siyaasadeed Iyo Waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo

0
811

Hargeysa (Dawan)-  Abwaan Axmed Maxamed Nuur (Dhako) oo ka mid ah Foolaadka  Suugaan yahannada Jiilka cusub ee Somaliland ayaa xalay  soo saaray  Maanso la magac-baxday “Codka Waa La  Diyaar” taasi oo uu si farshaxanimo leh ugaga hadlay xaaladda Guud ee dalka, khilaafaadka siyaasiga ah ee ka dhashay  dib u dhicii doorashooyinka, waxqabadka xukuumadda
Maansadaasi waxa  kale oo uu ku faaqiday hirdanka xisbiyadda iyo sida Bulshaddu ay u kala aragto siyaasadahooda.
Abwaan Dhako Maansadaas oo dhamaystiran oo uu  soo gaadh siiyay DAWAN,  waxay u qornayd Sidan:-
 
 
Beryahaa Gabay Caam ah
Cilmiya oo farsamaysan
Caarifiintu fahmaan
Qof Cirroobay Jeclaysto
Colkii Yuusuf Dhegaysto
Gabay Ciida u Hiisha
Ciyaalkeenna Koraayana
Caqligooda Tayeeya
Ciidankeenna Iyo Xooggana
Cududooda adkeeya
Calankeenna Difaaca
Cadowgeenana Waabsha
Gabay aan Cuqdad Hoosiyo
Cilad Beerin Sokeeye
Caafimaadka Ahaa
Anigoo Been Ka Cidaaday
Ceebna aan ka Ilaashay
Haddana Dhaafin Cadaalad
Tixdaan caan ku ahaa
Sida Caanaha Geella
Dadku ay Cabayeen
Caliyoow Beryahaaba
Codkaygii Ma Dhawaaqin
Caawase Waan Gabyayaa
In badan baan Caydhin Bisayl
Hadba Cay u Ekaayoo
Cillinkayga La Saarine
Ana Caawa Warkayga
Waan Caddaysanayaaye
Dhaaxaan Caarid ahaayoo
Adiga kuu Camirayoo
Ii  Ciyaari jirteene
Qollaba waa Cishadoodee
Cidduun Baa Farxi Doontee
Idin-na Maanta Cadhooda
Cudiyay  oo Iska Dhaafaye
Ca-da weeye Kaleetee
Mucaaridkaa Cartamaaya
Iyo Madashan Ceeliga Xeebta
Ka Ciyaar Tumanaysa
Jid iyo Ceel Midna Haynin
Labadu waa Isku Cayne
Cod yar  aan Ku Idhaahdo
Cabdiyoow Berigii
Deegaanka aan Cuganaynay
Madasha Ciidankan Sheegta
Shicibku Way Casileenoo
Cidlay kaaga Xidheen
Idinkaa La Idin Ciseeyoo
La idin Siiyay Codkiiyoo
Ururro Caadi u Dhaafoo
Xisbiyo Caan ah Samaystoo
Adoo daar cad Dhexdeeda
Dadku kuu Camireen
Maalintuu Cirku Hooraba
Cabsideeda Doorta
Haddaad Soo Carartaanoo
Intaad daartii Cidlayso
Niman Caynta dhexdeeda
Cooshad buul ah ka Taagay
Cidla Ciirsi la’ jooga
Caliyoow Jirsataan
Waa Sidee Caqligaasi
Cosobloo Nayl Ogolaaday
Cilmigiinu Miyaa
Cuddiyay oo ka Tallaabaye
Ca-da Weeye Kaleetee
Madashu waa Caqligiina
Inaydaan Cimrigiinba
La’aantood Ciidmi Karaynin
Markay Taasi Cadaatay
Ceebtiinii Ma Dayaantay
Raggii Aan Ka Codeynay
Inay Kaa Culusyiina
Caalamkii ma Dareemay
Caqligii Shicibkiina
Inaad Cayday Ogaada
Cuddiyay oo Ka Tallaabaye
Ca-da Weeye Kaleetee
Aan Mucaarid Cismaan
Tallo Caam ah u Sheegee
Caawa Maamulkan Jooga
Ciddii ay La Shiraan-ba
Haddii Aad Calmataan
Raadkooduun Cidhbisaan
Cid Qudhaa Talladeenii
Cagahooda Dhigteenoo
Idinkaan Caadi Ahaynoo
Idinkaan Ictiraafkii
Carriga noogu Maqnayn
Cishaduu Weftigoodu
Yurub Saaro Cagaa
Washintoon Ka Caweeyo
Idina Ruushkan Cadaadiyo
Jaynahan Caalamka  Haysta
Idina Ceelalyadiina
U Carowsha Xagooda
Carabta Maalinta uu Aadana
Talaabiib Carrigooda
Cilaaqaad la Samaysta
Cirka Jeex Dumi Maayee
Dhan uun Buu Ictiraafku
Ka Soo Caaryi Lahaaye
Cimrigiiba Mucaarid
Obosit (appossit) buu ku Cadaaye
Caynkiisii u Shaqeeya
Ama Caawa Muxaafid
Wax kale Loo Carabaaboo
Cishadoodii Sugaayaad
Caliyoow u Egtiine
Carruurta Buuqa ka Daaya
Cuddiyay oo ka Tallaabaye
Cishadaa Markay Gaadho
Kursigaa Cidla Yaal Iyo
Ciddi Ii Talin Maysiyo
Waa Codkaanu La Yaabnoo
Carriga waa Burburkiisa
Calanka Waa Dumistiisa
Cadowgana waa Farxadiisa
Idina waa Idinku Ceebe
Carabkiina Ka Daaya
Cismaanoow Dimuqraadi
Cawdii Baad u Jarteen
Dastuurkaan U Codayniyo
Axsaabtii Waad Casisheen
Dibaad Noo Celiseenoo
Shir Beeleed Carabowdoo
Naynti foor (94) u Carowdee
Cishadaa Wixii Joogiyo
Caynkii Aynu Ahayna
Qof  Og Baa Ka Cabsoodee
Habaar Weeye Cadaan ahe
Caadil Maanu Ka Tuugine
Ha u Ciyaarin Balaayo
Cuddiyay oo ka Tallaabaye
Ca-da Weeye Kaleeftee
Waxase Aad u Cajiib ahoo
Cid kastaaba La Yaabtay
Komishankii Carrigeena
In Diiwaan gelin Caam ah
Dalka looga Codeeyiyo
Dib u dhaca uu Carabaabay
Idinkoo Caadi u Yeelay
Julayna Yay Cisho Dhaafin
Awr-fuuloow Labadaa Cod
Carabkii wada Sheegay
Inaanu Caadi ahayn iyo
Waali Soo ma Cadaysan
Cuddiyay oo ka Tallaabaye
Ca-da weeye Kaleetee
Doorashadoo Cimri Dhaaftay
Caalamkay ka Dhacdaa
Carrigeena Laftiisuna
Ciddii maamulka Haysa
Ciniq Loo Kordhiyaa
Caadi Bay ka Ahaydoo
Caawa May u Horreyne
Maxaa Keenay Catowga
Afar Bilood Cadad Gaadha
In Cargaadtan Dartii
Ciidu ay la Gariirto
Ciddi May Filanayne
Ceesaantii la Shidheeyay
Cabaadkiinu Ka Weyne
Cillada Aasan Bayaansha
Cuddiyay oo Ka Tallaabaye
Ca-da Weeye Kaleetee
Dadku Maaha Cawaan iyo
Caamo Aan Wax Arkayne
Carqaladeyn Iyo Buuq iyo
Cay ma Qaadi Karaane
Hayna Waan ka Carownoo
Mabd’a Baa La Isku Cugtaaye
Wax-qabad Aad u Cajiibiyo
Wax Cad baa Na Horyaalee
Hadaf Kaa Ka Cuddoonoo
Ka Cawaaqib Wanaagsanoo
Dadku Kuugu Coddeeyoo
Cuntamaa la Rabaaye
Miidhiyaha (Media) ka Cadeeya
Ama Weyde Codkiiye
Cayda uun Naga Jooja
Afartaas Ca-da maanso
Intaan Caynka ka Qaaday
Anoon Sheegin Wax Ceeb ah
Cidna Aan Wax u Reebin
Waa Taan Caan Ku Ahaaye
Ma u Caraabiyay Toos
In badan baan Caydhin Bisayl
Hadba Cayn u Ekaayoo
Cilinkayga la Saarine
Ana Caawa Warkayga
Waan Cadaysanayaaye
Dhaaxaan Caarid Ahaayoo
Adiga kuu Camiraayoo
Ii  Ciyaari  Jirteene
Qolaba Waa Cishadoodee
Cid kalaa Farxi Doontee
Idina Maanta Cadhooda
Cuddiyay oo ka tallaabay
Ca-da Weeye Kaleetee
Ictiraafka Aan Sugaynana
Cod yar Aan ka Idhaahdee
Calankan Saaran Dusheenee
Tawxiidka Aan Ku Cuslaynay
Cadaankii, Madowgii iyo
Cidna Loo Baryi Maayoo
ILAAH baa Ictiraafaye
Haddaan Caabudno Eebe
Rabi Aan Ka Cabsoono
Aan Cadaallad Samayno
Oo Cibaadada Oogno
Caynkii uu Faray Yeello
Cirka Roob Dhibco Weyn Buu
Caadil Noo Shubi Laayoo
Ciddan Boodhku Ka Duulaa
Cambar Noo Noqon Laydoo
Cuudkan sii Madhanaayaa
ALLE Soo Celin Laayoo
Cad iyo Caano Macaan iyo
Barkaan Cuni Layne
Dadkaygii Caqligooda
Casiiskoow Garansii
Cuddiyay oo ka Tallaabaye
Ca-da Weeye Kaleetee
Soomaali oo Cidla Joogta
Caqaaro Loo Kala Jeexay
Inaan Maanta Cisaynoo
Cishaba Meel Kula Showro
Cimrigay Ma Jeclaysan
Caawana Waa Iga Sidiiye
Waa Siyaasad Ciyaartu
Qofba Cayn u Arkaaye
Taasina waa Caqligayga
Cuddiyay oo Ka Tallaabaye
Ca-da weeye Kaleetee
Waxqabadkan Caawa la Muujay
Cod yar aan Ka Idhaahdo
Deegaankaad Cugateenee
Aynu Moodnay Caruurta
Caadaasuu Marayaaye
Kaalay Caasimadeenii
Caynka ay u dhiseen
Soltelkaa Cararaayoo
Meel Cusayba Furayaayoo
Cidin-na Daa Hadalkiisoo
Berberba waaka Caddeeyay
Muraadna Ceebi Ma Raacin
Cid kastoo Aragtaana
Codka Waa la Diyaar
Cuddiyay oo ka Tallaabaye
Ca-da Weeye Kaleetee
Burciyo Ceeriyo, Sool
Giimbaartii ka Carowshe
Ciidankii Derajeeye
Mushaharkii Cirka Geeye
Waa Nin Caawa Siyaasad
Ciriqeeda yaqaane
Yurub Wayna Ciseysay
Carabtaan kala Baadnay
Ayay Soo Celiyeenoo
Waxa Fooqyo Cajiib ah
Cisho Nool Furaan Iyo
Inta Ceel la Qodaayiyo
Inta laami Cusayb ah
Cagta aad la Hesheen Iyo
Caafimaad la Dhisaasiyo
Xaglana Ceelkii Togdheer
Umulihii Cabanaayay
Ma u Caddeeyay Bilaash
Eeri boodadii (Airports) Caawa
Sida loo Casriyeeyiyo
Dekadii Carrigoonood
Kuwii Caalamka Moodo
Dadkeenoo Cimrigoodba
Aan Cashuurta Jeclayn
Cadanina Ay Gubanaysoo
Carabihii Xidhanyiin
Dhaqaaleheenii Ma Ciirine
Waabay Sii Camireenoo
Doolarkii Cartamaayayna
Sidii loo Celinlaa Bay
Shilinkeenii Casaana
Samsam Zaad Ku Cabaysay
Culuumtiina Bilaash
Safarradii Cus-cuslaayee
Xadka uu Cararaayay
Illaa Ceeliga Xeebta
Laasqoray uu ku Caweeyay
Nin Caloow Adag Weeyee
Dadkiisii Cabanaayay
Caadi ma isku Dhex Taagay
Idaacadoo  Cakaraydoo
Codkeedu Dhaafin Halleeya
Iyo TV-gii Carigeena
Caalamkoo Dhan Ma Gaadhay
Waxaas oo laami Caraabay
Ka Soo Qaada Cayaayiroo
Mid kase Caalamku Yaabay
Cid kastaa Amo-kaagtay
Waa laami Ceeri Togdheeree
Ingiriiskii ka Caagay
Afweyne uu ka Cabsooday
Isagoon Ictiraafiyo
Aqoonsi Caalami haysan
Cidna Maalgashaynin
Cishaduu u Badheedhay
Sidii Aan u Ciseeyay
Dib u Caaridi Maayo
Dadkuna Waa Ila Cayn

Cabasho Waa Biyahaa iyo
Cagaftan Dawladda Hoosee
Ceeb Kaleeto la Waa.

Leave a Reply