Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Berbera Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooda

0
350

Hargeysa (Dawan)  ALLE ha u naxariistee waxa shala y magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyay Marxuum Xildhibaan Mustafe Cabdilaahi Xoolow (Dago-dago) iyo Marxuum Xuseen Saleebaan Garas oo ku geeriyooda shil baabuur oo ka dhacay  jidka u dhaxeeya  Hargeysa iyo Berbera, waxaana aaska ka soo qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa eheladii iyo shacbiga ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuumintaasi, waxaanu ALLE uga baryay inuu naxariistii jano fardawasa ka waraabiyo.
 
Sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa  tacsi u diray, Golayaasha Deegaanka dalka, gaar ahaan Xildhibaanada Golaha deegaanka Berbera, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Xoolow oo ku geeriyooday shil baabuur oo saaka (shalay)  ka dhacay Qadhiidha  oo u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa 09/08/2015.
 
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Marxuum Xuseen Saleebaan Garas oo xildhibaanka ku wehelinaayey safarka kuna geeriyooday shilkaasi, halka uu dhaawac soo gaadhay wiil uu dhalay xildhibaanku, madaxweynuhuna uu alle uga baryaayo wiilkaasi inuu caafimaad sareecana siiyo una fudaydiyo dhaawaca soo gaadhay.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Golayaasha Deegaanka dalka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
 
Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) ayaa sheegay in ALLE ha u naxariistee Marxuum Mustafe Cabdilaahi Xoolow uu ahaa shakhsi ay bini’aadamku ka nabadgalaan, waxaanu ALLE uga baryay inuu naxariistoo jano ka waraabiyo, waxaanu yidhi  “Xildhibaanku wuxuu ahaa Xildhibaan bini’aadamka ILAAHAY abuurtay ay gacantiisa iyo afkiisa ka nabadgalaan, ILAAHAY waxaanu uga baryaynaa inuu fududeeyo oo naxariistii jano ka waraabiyo.” Ayuu yidhi Maayarka  Berbera.
Dhinaca kale masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera iyo dadkii ka soo qaybgalay aaska ayaa ALLE uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply