Marwada Koowaad Iyo Masuuliyiin Kale Oo Gurmad Gaadhsiiyay Degmadda Agabar

0
398

Gabiley (Dawan): Marwadda koowaad ee qaranka  Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris),  oo ay weheliyaan  gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubo  wasiirro ah   ayaa shalay  caawimo gaadhsiiyay   dadka ku nool degmadda Agabar ee  gobolka Gebilay.
 
Caawimadaasi oo ahayd mid  loogu tallo galay dadka  ay taabatay  abaaraha baahsan eek a  jira degaankaasi, caawimadaasi oo ay ka mid ahaayeen    gaadiid ay degmadu ku shaqayso. Gurmadkaasi   ay Marwada koowaad     gaadhsiisay  bulshadda Agabar   oo ka koobnayd   raashin iyo agab kale oo ay xukuumaddu ugu tallo gashay  dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu ku habsadeen ee ku  nool degmadaasi  Agabar.
 
Sidoo kale waxaa deeq raashin ah la gaadhsiiyey ku dhawaad 150 guri oo abaarahuhu saameeyeen, deeqdaas oo hordhac u noqon doonta qorshaha xukuumada kaga aadan ka jawaabida baaqa abaaraha ee ka taagan gobolada galbeedka dalka.
 
Safarkaasi  weftiga ay marwadu hogaaminaysay ku tegeen Agabar oo ay  ujeedadiisu ahayd ka jawaabida baahiyaha aasaasiga ah ee degmada oo ay uugu muhiimsanayeen wax ka qabashada baaqii abaareed ee maalmihii u dambeeyey ka taagnaa gobolada galbeedka Somaliland iyo sidoo kale sidii loogu wareejin lahaa gaadiid ay isticmaalaan maamulka degmadu oo baahi badan loo qabay.
 
Weftigaasi    oo ay xubno ka ahaayeen  marwada koowaad Aamina-weris, wasiirka  Maaliyadda   Samsam Cabdi Aadan, wasiirka  madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  Mujaahid   Muuse Biixi Cabdi, iyo sidoo kale  maamulka degmada iyo ka gobolka ee Gabiley. Weftigaasi  ayaa markii ay gaadheen degmadda Agabar waxaa halkaasi  si ballaadhan ugu soo dhaweeyay   bulshadda degmadaasi.
 
 
Marwadda oo hadal ka jeedisay madashii ay caawimadda ku gudoonsiinaysay  ayaa dadweynaha reer Agabar   uga mahad naqday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyada iyo weftigii ay hogaaminaysay.   Waxaanay  tidhi  “Degmada Agabar waa degmo qaali ah, waa degmo waxyaabo badan oo ay Somaliland u baahan tahay koobsatay oo ay ku caanbaxday, waana degmo aanu aad iyo aad ugu haynahay, waanad ku mahad santihiin soo dhawayntiina qaalilga ah ee aad na soo dhawayseen ee aan maanta oo kaliya ahayn, waxaan xasuustaa wakhtigii olaha doorashada aynu ku jirnay sidii aad noo soo dhawayseen, aad iyo aad ayaad u mahad santihiin baan idin leehay.”
 
Wasiirka  Maaliyadda   ayaa iyadna halkaasi ka hadashayw waxaanay tidhi “Anigu agabar waa markii tobnaad ee aan imaado, waa meel aan si wanaagsan u aqaano, mar ay mashaqo ka jirto iyo marar kale oo badan, waa meel aan dhibaatadeeda iyo wanaageedaba ogahay, maanta oo ay baari ka jirtana waanigan imi iyada oo aanu ugu talo galnay kun qoys raashinkood”.
 
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xafladaasi ka hadlay, waxaanu kaga hadlay qoraal uu xalay ku daabacay mareegtiisa guusha.com, waxaanu ku yidhi   “Waxaan maanta (shalay)  socdaal isugu jira u kuurgalida xaaladaha abaareed iyo gudoonsiinta mashaariic horumarineed aan ku gaadhnay degmada Agabar ee Gobolka Gabiley”.
 
Sidoo kale waxaa   halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine iyo maayarka degamada Gabiley    waxaanay marwada koobaad ee qaranka uga mahad naqeen deeqda gurmadka ah ee ay soo gaadhsiiyay dadka jilicsan ee ku dhaqan degaanka goboka Gabiley.
Ugu dambayn masuuliyiintaasi ayaa   dhagax dhigay dhisme ay ku shaqayn doonaa  maamulka degmada Agabar kaasi oo wax badan ka tari doona dardar gelinta hawl maalmeedka maamulka  ee degmadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply