“Tallo Wixii Aan Bixin Karo Madaxweynaha Iyo Xisbiyadda Waan U Sheegayaa, Laakiin Dhinac Aan Ahay Ma Jiro”

0
287

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in wixii tallo ah ee uu hayo  uu siinayo Madaxweyne Axmed  Siilaanyo iyo xisbiyadda qaranka, waxaanu tilmaamay inuu Somaliland dhex u yahay islamarkaana aanu dhinac ahayn.
 
Daahir Rayaale waxa uu sidan ku sheegay munaasibad hadhimo sharafeed ah oo shalay xisbiga UCID ku maamuusay waxa uu ku baaqay in laga shaqeeyo wada jirka iyo midnimada Somaliland.
 
“Run ahaantii waa qado sharafeed, maanta arrin siyaasadeed oo aynu ka hadlaynaa ma jirto Haddii siyaasad laga hadlayo meesheeda ayaynu kaga hadlaynaa aniguna  Oday Somaliland oo dhan ah baan ahayoo hore ayaan u sheegay. Tallo wixii aan bixin karo, haddii aan Madaxweynaha u sheegi karo iyo haddii aan xisbiyada u sheegi karaba waan u sheegayaa, laakiin dhinac aan ahay ma jiro,” Ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin
 
 
Daahir Rayaale Kaahin waxa uu intaas ku daray “Waxaan sheegay inuu UDUB soo noqon doono, taana wakhtigeedaan sugaynaa oo aanan anigu musharax ka noqon doonin ee dad cusubi iman doonaan, aad baana idinka mahadnqayaa dhammaan dadka ajiibay inay ka soo qaybgalaan xafladan aniga la igu soo dhaweynayo. ILAAHAYNA waxaan ka rajaynaa Somaliland inay hore u socoto turaanturana aanay arag, wixii khilaaf ahna laga heshiiyo haddii ALLE idmo, ILAAHAYNA raxmad ha ina siiyo oo ha innaga aqbalo oo sannadkan abaar adag baa ina haysa, ILAAHAY uun baa innaga saari kara, ALLOOW naga saar baanu leenahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply