Shaahii Iiraan Illaa Kacaankii Khumayni Qeybta 4aad

0
294

Hawl-galkii ay u xadhko xidheen labada nin ee ahaa saraakiisha sirdoonka ee Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxa hawl-galkaa ay ula baxeen magaca AJAX. Si haddaba ay ugu dhaqaaqaan fulinta hawl-galkii lagu afgembiyi  lahaa hoggaamiyihii dalka Iraan ee la odhan jiray Mosaddeq, ayaa waxa ay ka saxeexeen Shaahii Iiraan ee Maxamad Rida Bahlawi in lagu beddelo Ra’iisal Wasaare Mossaddeq nin Janaraal ah oo la odhan jiray Foosullah Sahdi, kaasoo ahaa Janaraal ay raali ka wada ahaayeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykankuba, maadaama ay hore xidhiidh ula sameeyeen labada sarkaal ee sirdoonka ahaa oo iyagu hawlgalladooda ka bilaabay in gacmahoodu gaadheen Saraakiisha Ciidammada ee ku kacsanaa Ra’iisal Wasaare Mosaddeq.
Inkasta oo uu hawl-galkii la damacsanaa in lagu afgembiyo Mosaddeqii Iiraan uu ahaa mid si fiican looga shaqeeyey dhinaca isku xidhka iyo xaga qorsheyntaba, ayuu haddana dhanka kale ka noqday mid guul-darraystay oo ka dhicisooba hoggaamiyayaashii soo maleegay inqilaabkaasi oo kala ahaa Mareykanka iyo Ingiriiska. Guuldarrada afgembigii dhicisoobay waxa uu horseeday inuu Shaahii Iiraan u baxsado Caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, markii dembana waxa  uu u sii dhaafay dalka Talyaaniga oo muddo masaafuris ahaan ku joogay.
Halkaa kuma joogsan qorshihii afgembiga ee dabada ka wadeen labada dal ee aan kor ku soo xusnay,haseyeeshee mar labaadkii ayaa lagu guulaystay in la afgembiyo Moseaddeq, isla markaana la taago Maxkamad, waqtigaa oo Shaahii Iiraan dib ugu soo laabtay dalka. Intii aanay Maxkamaddu ridin xukunkii ay ku ridi lahayd Ra’iisal Wasaarihii, ayaa Shaahii soo farageliyey Maxkamaddii oo go’aamiyey in la xidho saddex sannadood kadibna uu ugu xigayo masaafuris uu ku sheegay inta uu madaxiisu nool yahay, iyadoo jagadiisana lagu wareejiyey Janaraalkii uu hore uga fashilmay inqilaabkii koowaad ee Foosullah.
Safaaraddii Mareykanka ee fadhigeedu ahaa magaalada Tahraan, ayaa warbixin uu bixiyey kadib inqilaabkii koowaad ee guuldarraystay uu ku xusay, in tallaabooyin adag oo siyaasadeed oo uu fuliyey Mosaddeq intii ka dembaysay afgembigii oo ay ka mid yihiin kantaroolka hawlaha Ciidammada iyo Gole la mid ahaa Baarlamaanka oo la odhan jiray Majlis. Geesta kale waxa uu Safiirka Mareykanku ku iftiimiyey warbixintiisa in xubno ka mid ah xildhibaannada Xisbiga [Conservative] oo uu ku jiro Ra’iisal Wasaarihii Ingiriiska ee xilligaa oo la odhan jiray Winston Churchill, ay taageereen fashilaaddii Inqilaabka, balse Safiirku wuxuu warbixintiisa ku caddeeyey in taageerada  xubnahaa uu ku jiray Ra’iisal Wasaarihii Ingiriisku ahayd mid shakhsi.
Maamulkii Sare ee dalka Mareykanku markuu helay warbixintaa, waxa uu markiiba isugu yeedhay Saraakiil ka mid ahaa sirdoonkii Mareykanka oo uu ka mid yahay Kermit Roosevelt, Wasiirradiisa Arrimaha Dibedda iyo Difaaca, kuwaas oo la faray in loo gacan banneeyey siday halkoodii uga sii wadan lahaayeen hawlgallo dembe oo lagu afgembiyo Xukuumadda ee Iiraan ee Mosaddeq .Kermit Roosevelt oo ka mid Ahaa saraakiishii sirdoonka, ayaa 13kii Julay, 1953kii dib ugu soo laabtay dalka Iiraan, waxanu haddana mar kale isla sannadkaa kusoo noqday dalkaasi 1-dii Ogost, isagoo halkaa kula kulmay Boqorkii Iiraan.
Intaa ka dib, waxa uu gaadhigiisii ku qaaday Shaahii Iiraan waxaanu jiifiyey kuraasta dembe. Isagoo ku deday  busta weyn, kadibna toos u geliyey Qasrigii looga talin jirin Iiraan,iyagoo ay askartii ku sugnayd gacmaha u luleen. Isla gaadhigii isagoo weli ku dhex sugan boqorkii ayaa waxa gacantiisa uu ka siiyey Sarkaal siday ee sirdoonka ahaa lacag dhan hal Milyan oo ahayd lacagta dalka Iiraan oo hore loo sii diyaariyey, taasoo laaluush ahaan loo siiyey lacagtaasi oo waqtiqaa kunka Riyaal ee Iiraaniga lagu beddelayey shan iyo toban Dollar oo lacagta Mareykanka ah.
Dhinaca kale waxa iyana uu Ruushku qorshaynayey inuu afduubo Ra’iisal Wasaare Mosaddeq, has eahaatee Mareykanka oo ka war helay  ayaa ka il horreeyey oo Ciidan ka amar qaata Shaahii Iiraan ku fuliyey afgembigii ay la doonayeen Ra’iisal Wasaarihii Iiraan. 
LA   SOCO …………….
 

Leave a Reply