Waxa laga yaabaa in aanad filan Karin inuu jiro qof doonaya inuu ooyo ama Qoslo oo aanay taasi suurtagal u ahayn. Laakiin gabadha lagu magacaabo Katie Dell oo 26 jir ayuu ku dhacay xanuun dhif ah oo ah xasaasiyad ah una diiday inay qosli karto ama ay ooyi karto marka ay u baahato. Xanuunkan ayaa la sheegay inuu hayo dad gaadhaya dunida oo dhan 36 qof keliya.