Maamulka Gobolka Selal Oo Kormeer Ku Tagay Xariirad

0
287

Saylac (Dawan)- Badhasaabka gobolka Selal C/risaaq Waaberi Rooble oo uu wehelinayo ku xigeenka gobolka Salal Cabdiqaadir Aadan Yuusuf, ayaa kormeer hawleed ku tagay degmada Xariirad ee gobolkaas.
Weftigan uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Selal ayaa ujeedada safarkooda ugu weyni ay tahay u kuur galida xaalladda nololeed ee degmadda Xariirad, gaar ahaan xaallada abaarta ee ka taagan deegaankaasi iyo xoojinta nabadgelyadda.
Badhasaabka gobolka Salal oo la hadlay dadwaynaha ku dhaqan deegaanka degmada Xariirad ayaa u sheegay  inuu soo gaadhayo maalmaha soo socda raashin iyo gurmad ay xukuumaddu u soo dirayso deegaanada galbeedka.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca adkaynta nabadgelyada iyo amaanka gobolka, waxaa  na uu sheegay inay kulamo gargaar ah la qaadan doonan qaybaha kala gedisan ee bulshada Xariirad, waxaanu tilmaamay in ay kala war qaad doonaan waxgaradka iyo odayaasha degmadaasi .
Badhasaabku gobolka Salal mudane Cabdirisaaq Waaberi waxa uu baaq u diray guud ahaan bulshadda degan deegaanada galbeedka, waxaanu u soo jeediyay inay akhriyaan roob doon Allena waydiistan inuu abaarta ka soo jebiyo isagoo soo dhaweeyay kaalmadda iyo baaqyada ay ka soo saareen xukuumadda iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland ba.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply