Madaxweyne Xigeenka Oo Difaacay Kaalinta Qurbo-joogu Ugu Jiraan Dalka

0
277

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Md.  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in qurbo-joogu kaalin weyn ku leeyihiin horumarka Somaliland, waxaanu tilmaamay inay mutaysteen in munaasibado casho  sharaf ah lagu maamuuso markay dalka yimaadaan.
Md. Saylici waxa kale oo uu sheegay in shacbiga Somaliland ee dalka guddihiisa iyo dibadiisa ku dhaqan ay Xukuumadda ahaan masuul ka yihiin. Madaxweyne Ku xigeenka oo daba socday dad xukuumadda ku naqdiyay xaflad marti-qaad ah oo  ay habeenimadii Jimcihii la soo dhaafay ay qurbo-jooga ugu qabtay Magaaladda Hargeysa.
“Waxa maalmahan aad saxaafadda lagaga hadlayay dadka qurbajoogta ah oo laf-dhabarta  Ummadda reer Somaliland ah oo  casho sharaf loo sameeyay in aad loo hadal hayay ama la leeyahay dad baa la casuumayaa, Ummaddiina abaarro iyo gaajo ayaa haysa, haddii aanu nahay madaxda qaranka ka qurbejooga ahna annaga uun baa ka masuul ah oo maanta ILAAHAY xilka noogu dhiibay, ka waddanka joogana Annaga ayaa ka masuul ah. Qurba jooga in maalin xaflad loo sameeyana way mutaysteen oo waa laf dhabarta Somaliland,”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne xigeenku waxa uu ku sababeeyay munaasibaddan in looga dan lahaa in qurbejoogta dalka timid ee xaaladdiisa aragtay wax taraan dadka abaaruhu saameeyeen “Qurbjooga maanta yimid waaa kuwa arkay dhibaatada maanta Somaliland ka jirta, ee abaaraha arkay, ee barrito wax ka soo tari doona. cashada yar ee  la sameeyayna  in la eego maaha.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply