Wasiir Ku Xigeenkii Qorshaynta Qaranka Oo Is Casilay

0
287

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda qorshaynta qaranka  Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu qaranka u hayay, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha u gudbiyay iscasilaadiisa.
Wasiir Ku xigeenkii hore ee Qorshaynta ayaa barta uu ku leeyahay face-book-ga waxa uu ku faafiyay shalay  qoraal uu ku sababaynayo iscasilaadiisa, Waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwanaa ee uu  ii magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.”
“Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii Wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Cali  Shire iyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Cali Jaamac Buureed  oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qof kasta oo igu taageeray intii aan xilka ummada u hayay. Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah,”ayuu ku dooday Mr. Cabdi-kariim Axmed Mooge.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply