Xukuumadda Oo Raashin Caawimo Ah U Dirtay Gobollada Galbeedka

0
294

Hargeysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay gaadiid siday  caawimo  raashin  kala duwan ah  u dirtay gobolada  Galbeedka dalka  gaar ahaan deegaamadda  ay  abaaraha ba’ani ku habsadeen.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa sheegay in raashinkan mucaawinada ah ee ay u dirayaan dadka abaaruhu ku habsadeen  uu yahay  gurmadkii  u horeeyay  ee  ay  Xukuumadu   kaga  jawaabto.
 
“Waxaanu Ummadda reer Somaliland u sheegaynaa in baaqii aanu jeedinay ee ahaa abaarta sida gaarka ah u saamaysay gobolada  Galbeedka, ugu  horaynba dawladdu ka jawaabtay. Halkan  gaadiidka taagan waa intii u horaysay, waa baaqii ay Xukuumaddu kaga  jawaabtay maa’daama oo xilka ugu weyn ee koowaad saaran yahay Xukuumadda,  waa intii ugu horaysay ee aanu dirayno.
 
Wixii  kale ee yimaadana hay’addihii caalamiga iyo ganacsatada Somaliland oo aanu la kulanay, qurbajoog haddii ay tahay iyo haddii ay tahay hay’addaha islaamiga ah,  wax badan baanu ka filaynaa. Sidaa  la sheegayna ILAAHAY baa  gacantiisa lagu dhergaa,  laakiin se mar haddii ay dhibaato timid inay dawladdu u horayso oo ka jawaabto baaqii waa waajib qaran.
 
Waxaanu  u sheegaynaa Ummadda reer Somaliland gobolada maanta (shalay) aanu wax u dirayno, waxani waxba kagama dhacayo oo wax wada gaadhaya ma aha laakiin  intii Xukuumadda  waxay bixiso intii ugu horaysay in aanu dirno ayay nagu kaliftay.” Ayuu yidhi  Cabdiraxmaan   Saylici.
 
Sidoo kale wasiir ku xigeenka   xidhiidhka  gobolada ee Wasaaradda arrimaha guddaha Axmed Faarax Caddare,  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in raashin kale oo caawimo ah laga filayo in ay keenaan  ganacsatadda iyo hay’adaha qaarkood.
 
Isagaoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Baaqii u horeeyay Xukuumadda iyo ganacsatada reer Somaliland baa ka jawaabaya, waa hordhicii oo hay’addihii caalamiga, hay’addihii maxaliga ahaa iyo wixii walaaladeen ee soo gurmadayna wey ku daba jiraan oo intanu waa hordhicii koowaad, goboladii meelmel baa la soo gudbiyay oo saddexda gobol ee galbeedka ayaa ugu muhiimsan, todoba gaadhi oo raashin ah ayaa baxaya intii kalena waa la sugayaa. Waa la sugayaa waxyaabo badan haddii ILAAHAY ina soo gaadhsiiyo”.
 
Sidoo kale  Guddoomiyaha  hay’ada  ka hortaga Masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland Dr.Maxamed Muuse Cawaale,  oo isna halkaasi ka hadlay  waxa uu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) halkan u nimid waxa weeyaan bilawgii abaarihii dhacay iyo dhibaatooyinkii dhacay in intii u horaysay  ama raashin ha noqoto ama macaawino ha noqoto, gobolada beeraha oo ugu sii xumaa oo dhibta badani ku dhacday loo diro, wixii kalena aanu kolba in geyno oo intanu waa bilaw uun.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply