Xildhibaan Shirguddoonka Wakiiladda Ku Eedeeyay In Aanay Ogolayn Ansixinta Xeerka Caasimadda

0
297

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku eedeeyay shir-guddoonka golahooda in ay hor taagan yihiin isla markaana aanay ogolayn meel marinta xeerka caasimadda oo hor yaala golahaasi.
 
Xasan Cawaale oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay u cuntami wayday in golaha wakiilladu ansixin waayo xeerka caasimadda Somaliland, waxaana uu ku dooday in shir-gudoonka  wakiiladdu aanay ogolayn xeerka caasimadda waxaanu  yidhi “Waxa aan doonaynaa in aan ka hadlo xeerka caasimada oo aanu ku keenay mooshin si loo ansixiyo oo ay soo saxeexeen 35 xildhibaan oo golaha wakiiladda ah ayaanu   u gudbinay shir-gudoonka Wakiiladda,  sidaa daraadeed, waxa dhacday in toban kal-fadhi lagu soo daray xeerkan caasimada, lamana soo hordhigo golaha si uu looga  doodo.”
 
Xildhibaan Xasan Cawaale oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa aan ogaaday in shirguddoonku xeerka caasimadda dib u dhigayaan mana garanayo, waxa ay ku diidan yihiin, waxaana aan u sheegayaa dadweynaha Somaliland in xeerka caasimadda ay hor taagan yihiin shirguddoonka golahayagu markaa dhagax nagaga soo saara Golaha wakiilada.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply