Taliyihii Ciidanka Qaranka Ee Aaga Galbeed Oo Dhaawaciisii Loo Qaaday Dalka Jabuuti

0
280

Boorame(Dawan)- Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shalay  toogtay Taliyihii Ciidammadda qaranka ee aaga galbeedka Somaliland Gaashaanle sare Xasan Caqli, waxa isna isla goobtii ku geeriyooday Sarkaal kale oo la odhan Jiray Marxuum-Xidigle Faarax Caraalle.
 
Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in Taliyihii aaga galbeedka Somaliland uu soo gaadhay dhaawac culus, waxaanu xusay in shalay galab diyaarad gaar ah loogu qaaday dalka Jabuuti.
Badhasaabka Awdal waxa kale oo uu intaasi ku daray in askarigii toogtay labadan sarkaal lagu qabtay isla xerada ciidanka Miliatariga Boorame waxaanu xusay in gacan ku dhiiglahaasi uu haatan ku xidhan yahay magaaladda Boorame.
Iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. C/Raxmaan Jaamac Haddi oo ka mid ah dhakhaatiirta la tacaalaysay  dhaawaca  Taliyihii qeybta aaga galbeed ayaa isna walaac ka muujiyay xaaladda sarkaalkaasi.
Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna laanta Afsoomaaliga ee BBC-da u waramayay ayaa sheegay in askariga dilkan geystay sharciga la marin doono. Waa saraakiishii afraad ee ka tirsan ciidamadda Somaliland ee ay toogtaan askar ay xukumayeen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply