Komishanka Oo Darsaya Siday Doorashooyinku Uga Qabsoomi Karaan Degmooyinka Barriga Sanaag

0
347

Hargeysa (Dawan) :- Weftigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland,  Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo maalmihii u dambeeyay kormeer ku marayay gobollada bariga, ayaa shalay gaadhay gobolka Badhan halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka gobolka , Madaxdhaqameed iyo shacbiga ku dhaqan deegaankaasi.
 
Guddoomiyaha Komishanka ayaa ujeedada safarkooda Badhan ku tilmaamay sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen in bulshadda ku dhaqan deegaankaasi uga qayb-qaadan lahaayeen diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashadda islamarkaana ay u dooran lahaayeen masuulka ay danaynayaan.“Aad baan ugu mahad-naqayaa soo dhaweynta ay noo sameeyeen ee ay nagu soo dhaweeyeen gobolka, markaan hoos ugu dhaadhaco waxaanu u nimid waa xog-waran ama xogurursi la xidhiidha  inaanu gobolkan ka ogaano inay raali ka yihiin in diwaangelintu u timaado, taas oo ku hoggaamin doonta inay doortaan  Xildhibaanadii doorashadda  Baarlamaankii uga qayb-geli lahaa dawladda iyo Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii ay jeclaystaan. Diwaangelintan aanu soo wadnaa waa diwaan-gelin ka duwan kuwii hore,” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan.
Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud, ayaa shacbiga ku dhaqan Badhan iyo Laas-qoray ugu baaqay inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxaau yidhi “Waxaan leeyahay weftiga safarkiinii waad aragteen, dhulkii waad soo marteen oo nabaddgelyadayada idinkaa markhaati maanta u ah, shacabka reer Badhan ama reer Laasqorayba waxaan u malaynayaa walaalahooda reer Somaliland bay maanta wax la qaybsan doonaan.”
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka mid ah madaxdhaqameedka deegaanka Badhan ayaa sheegay in weftigan Komishanka doorashooyinka ay ku soo dhaweynayaan Badhan, waxaanu yidhi “Dhammaan madaxda meesha iskugu timid ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka iyo madaxda la socotaba waanu soo dhaweynaynaa, dalku waa dalkiinii, dadku waa dadkiinii oo sida maamulka iyo shacbigu idiin soo dhaweynayaa baanu la mid nahay. Soo dhawaada.”
Dhinaca kale cuqaasha gobolka Badhan ayaa soo dhaweeyay safarka ay ugu yimaadeen Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaanay sheegeen in xiligan gobolka Badhan ay ka jirto  nabad-geliyo, fursad u siinaysa Komishanka inay doorashaddu ka qabsoonto gobolkaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply